Posts

SIDEE LEYSU BARAA JAHLIGA?

Aqoonta lagu barto hannaan walba ee waxbarasho waxaa lagu qaataa aqoon uu qofku intifaacsado. Ha ahaato aqoon farsamo ama aqoon aragtiyeed, ha ahaato aqoon dabiicad ama aqoon bilshadeed, mid ay tahayba aqoontu waxay kugu kordhisaa waaya-aragnimo loo kaashado nolosha. Laaakiin aqoonta ah in lays-baro jahliga waa waxbarasho soo jirtey muddo dheer oo leh culumo ku takhasusta, taas oo afka laatiinka lagu yiraahdo (Agnotology). Waa tallaal lagu beerayo ra’yi jaahilnimo baaxad wayn, kaas oo la doonayo in bulshada lagu yeesho saamayn lagaga danaysto iyada oo la marayo manhajka marin-habaabinta.  Haddii horey loo sheegey in aqoontu ay tahay awood, barashada jahliga waa awoodda lagu bur-buriyo awoodda aqoonta. Dadyowga dunida ku nool, tamarta kaga baxda in aadamigu wax bartaan oo ay aqoon ku adeegtaan, tamar ka xoog wayn ayaa kaga baxada in dadka lagu dhex faafiyo jahliga oo au aqoon-darri ku adeegtaan. Dadkaasi jahliga faafinaya waxay diiddan yihiin xaqiiqooyinka nolosha oo aqoonta lagu g...

Xiriirka ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka.

Muddo fog oo aan yarayn ayaan ku fooganaa weyddiinta ah xiriir noocee ah ayaa ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka. Sida labada erey ka muuqato ereyga 'Horumar' waxa uu tilmaamayaa qof ama bulsho meel taagnayd ka dibna ka aag bedelatay ama isbedel ku samaysay oo tilaab togan hore u qaaday. Halka ereyga 'Dhaqan' uu muujinayo caado ay bulshaddu leedahay oo mararka qaar noqon kara ab'ogaa.  Erayga dhaqan luuqadda ingiriisiga waxa uu ku noqonayaa 'culture' asalka eraygani waxa uu ka soo jeedaa eray laatiini ah, oo la dhaho "colore", eraygaas oo macnihiisu yahay 'beerid." Beerta marka laga waramayo waxa ay martaa maraaxil kala duwan, midaas oo kale ayuu dhaqankuna maraa maraaxil lamida midda beerta. Dhaqanku waa abuurmaa, koraa, cudud iyo awoodna yeeshaa, ka dibna abaadaa oo hagaasamaa sida uu sheegay Mufakirkii weynaa ee Maalik Ibnu Nabi.  Dhaqanku waxa uu leeyahay wax yaabo uu ka askumo ama uu ka abuurmo, waxaana la xusaa inay jiraan labo arrim...

25 sano oo tacliin iyo adeeg bulsho

 Iyada oo uu wadanku ku jiro dagaal, qabyaalad, qax, burbur, la na bililiqaystay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, wasaarradihii iyo dhammaan wixii adeeg bulsho ahaa. Xilliga aan ka hadlayana tahay shan iyo labaatan sano ka hor oo ku beegan 1997, waxay ahayd xilli ay yarayd cid rumaysanaysa ama ku fakeraysa in jaamacad Iska dhaafe aan xitaa lagu noolaan karin Soomaaliya. In ta badan dadkii waxbartay wadanka waa isaga baxayn oo waxaa wadanka sida u rogmay ku sii dhacay maskax-goror (brain drain). Waa yaraayeen dadkii wax bartay ee wadanka joogay sidoo kale waxaa yaraa aqoonyahannadii wadanka ka baxay ee rajo ka muujinayay in Soomaaliya waxbarashadayda la badbaadin karo.  Aqoonyahano uu ka mid yahay Dr Ali Sheekh ayaa aminsanaa in dib dhiddibada loogu aasi karo waxbarashada Soomaaliya waxa uu hayaankaas uu aaminsanaa kaga qayb qaatay in ay furaan isaga iyo aqoonyahano kale jaamacaddii ugu horeysay ka dib burbur iyo baas ku dhacay Soomaalida iyo Soomaaliyaba. Waxay ugu magacdar...

"Akhri adiga oo kaashanaya magaca Rabbigaaga wax abuuray”

 [اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ ] "Akhri adiga oo kaashanaya magaca Rabbigaaga wax abuuray”  Qof dunidan kor joogaa isma lahayn caawa waxa ballan leh cirka iyo dhulka. Qofna ma malaynayn god madow oo Maka ku dhex yaalla ayuu ka soo bixidoonaa iftiin ifin doona dunida oo idil. Dhulku wuxu u boholyoobay cirka; maxaa yeelay, Jibriil muddo ku siman shan boqol oo sannadood lama soo degin hanuunkii uu ka keeni jiray xagga sare. Dhulku wuxu sii iftiinsanayay hadhaagii kutubtii hore oo la leexiyay, dadka badankoodu waxa ay caabudayeen dhagaxaan la qoray, ilaahyada timirta ahna dib baa loo cunayay. Waxa la gaadhay ilbidhiqsigii uu Alle doonay in uu wax-ka-beddelo ku sameeyo dunidan. Shakhsi aan waxba qorin, waxna akhriyin ayuu ku soo degay amarkani “akhri.” Shakhsigan ayaa isku si wax u baraya aqoonyahanka iyo waxma garatada. Agoonkii hore u waayay labadiisii waalid ayaa aabbayaasha hagaya, nolosha hooyooyinkana hagaajinaya. Adhi jirkii shilimmada yar Qureysh adhiga ugu raaci ...
 Shidaalka waa shayga ugu muhiimsan ee adduunka ku tiirsan yahay, tusaale ahaan shidaalka haddii uu qaaliyoobo waxaa qaaliyoobaya maraakiibta, diyaaradaha, doomaha, korontada, baabuurta, Isbitaalada, daawada iyo dhammaan wixii Elektaronik ku shaqeeya. Maadaama shidaalka sidaa oo dhan muhiim u yahay, muxuu ka sameysan yahay?; Culimmada sayniska waxa ay sheegaan in shidaalka ka sameysan yahay xaywaanaddii malaayiin sano ka hor dhintay lafahoodii, si kale haddaan u dhigno dhulka waxaa ku jira dheecaanadii iyo lafihii xaywaanaddii malaayiin sano ka hor dhintay, iyaga ayaa la soo bixiyaa si loo gubo, loo kala saaro dibna loogu isticmaalo.  Aragti kale ayaa waxa ay leedahay shidaalka waxa uu ka samaysan yahay xaywaanaddii iyo geedihii malaayiin sano ka hor dhintay ee bada hoosteeda oxygen la'aan ku noqday, meesha ku qurmay, sidaasna ku noqday wax saliid camal ah oo jiidmaya. Muddo kadib waxyaabahaan waxa ay qulqul ku sameeyaan dhulka hoostiisa waxay isugu tagaan dhawr meelood oo dhu...

Feminism ama haweenimo

 Feminism ama Dhadignimo waa urur ay aasaaseen Yahuuda oo lagu aasaasay dalka Maraykanka, waxaana loo aasaasay si ay haweenka caalamka maanka looga qabsado gaar ahaan haweenka muslimiinta. Feminism ama Dhidignimo waxa ay ku doodaan on taariikhda waligeedba ay ahayd loolan u dhexeeyay ragga iyo dumarka, hiigsigeeduna yahay xureynta jinsiga dhadiga, waxayna u  olaleeyaan in gabadha ay colaad u qaado aabaheed, macalinkeeda, walaalkeed nina warkiisaba ha sheegin. Taas waxaa ku tusaalaynaa Nawal Al sacdaawi  (mulxidad ama Alle diid ayey ahayd) mar waraysi ay bixineysay ayaa la weydiiyay maxaad Alle u diidan tihiin?  Waxa ay si cad ugu jawaabtay Allah waa nin!  Feminism waxa ay diirada saaraan sidii gabdhaha muslimiinta maskaxda looga qabsan lahaa, xijaabka looga dhigi lahaa, qoyska looga burburin lahaa,  waxay ay u sameynayaan waa in naagta iyo ninkeeda la iska horkeeno kadibna ay soo baxaan fac fartii uu doono qoraayo oo edeb iyo anshax aanan lahayn.  Side...

Fariin walaaltinimo

 . Ayadoo aan la socono in uu jiray tartan u dhaxeeyay Xildhibaan iyo wasiiru dawlaha wasaarada cadaalada Yuusuf Gama'diid oo ah Xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka Himilo Qaran iyo Korneyl Isxaaq Cali Cabdule oo ahaa shaqsi booliska Soomaaliyeed wax badan ka soo shaqeeyay, intii lagu hawlanaa ololaha doorashada labada dhinacba waxa ay lahaayeen labada nin dad taageerayaal ah oo la dhacsanaa qorshayaasha ay kala wateen. Aydoo ay intaas jirto waxaa dheer in kursiga uu hal yahye Jijeele uusan meelna ka soo qooyin tiradooda. Ayadoo ay intaas jiraan hadane waxaa xuso mudan in ragga tartamaayay iyo ragga ololaha labada dhinac la kala safnaa ay wax un Soo kala gaareen sidaa darteed waxaan ku talinaa  1. Waxa lagu loolamaayay waa hal kursi suurta galna ma ahayn in Gama'diid iyo Isxaaq ku wada fariistaan, tartanka marka lagalana waa in qof soo baxaa kuu ahaadaba, horeyaa soomaalida waxa ay ugu maahmaahday "Gari laba qof kama wada qosliso". 2. Gama'diid iyo Isxaaq waa la...