25 sano oo tacliin iyo adeeg bulsho
Iyada oo uu wadanku ku jiro dagaal, qabyaalad, qax, burbur, la na bililiqaystay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, wasaarradihii iyo dhammaan wixii adeeg bulsho ahaa. Xilliga aan ka hadlayana tahay shan iyo labaatan sano ka hor oo ku beegan 1997, waxay ahayd xilli ay yarayd cid rumaysanaysa ama ku fakeraysa in jaamacad Iska dhaafe aan xitaa lagu noolaan karin Soomaaliya. In ta badan dadkii waxbartay wadanka waa isaga baxayn oo waxaa wadanka sida u rogmay ku sii dhacay maskax-goror (brain drain). Waa yaraayeen dadkii wax bartay ee wadanka joogay sidoo kale waxaa yaraa aqoonyahannadii wadanka ka baxay ee rajo ka muujinayay in Soomaaliya waxbarashadayda la badbaadin karo.
Aqoonyahano uu ka mid yahay Dr Ali Sheekh ayaa aminsanaa in dib dhiddibada loogu aasi karo waxbarashada Soomaaliya waxa uu hayaankaas uu aaminsanaa kaga qayb qaatay in ay furaan isaga iyo aqoonyahano kale jaamacaddii ugu horeysay ka dib burbur iyo baas ku dhacay Soomaalida iyo Soomaaliyaba. Waxay ugu magacdareen jaamacadda Muqdisho, iyada oo ay Muqdisho ahayd madashii iyo magaaladii xadaarada iyo caasimmadii Ummadda haddii balaayo wadanku asiibtana tahay meesha ugu nugul ee dareemaysa.
Sida caadiga ah waxaa jira caqabad kaa hor imaaneyso marka aad wax cusub bilaabayso haddana ugu ma sii jirto marka aad ka bilaabayso wadan sida Soomaaliya oo kale oo dagaal, burbur iyo qabyaalad kaga haray wadamadii asaagiisa ahaa oo ay xilliyo isku dhaw heeryada iska qaadeen. Waxaa bogaadin mudan aqooyahannadii u dulqaatay dhacii mooryaanta, dagaaladii qabiilada iyo madaafiicdii Xabashida ku gummaaday Ummada Soomaaliyeed, kuna dadaalay in ay Is baddel abuuraan iyaga oo u bareeray waxaas oo halis ah oo ay adagtahay in la malaysto ku shaqaynteeda.
Jaamacadda Muqdisho waxay ku dhex shaqaysay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay. Waxay badbaadisay dhalinyaro badan oo haddii ay heli lahayn meel ay wax ka bartaan baddelkeeda dagaaladaas ka qayb noqon lahaa. Aqoonyahanaddii ku shaqeeyay duruuftaas waxay marayn xaalado badan oo adag, waxay hayaankaas jaamacadda Muqdisho ku wayday qaar aqoonyahanada ka mid ah. Allaha u naxariistee Waxaan ka xusi karaa aqoonyahanadii daruufahaas galafatay prof. Axmed Jimcaale Maxamed (Gaastaro) oo hoobiye ku la dhacay mid ka mid ah xaruumaha jaamacadda Muqdisho qiyaastii sannadkii 2008. Waxay sidoo kale wajahayeen aqoonyahanadii xilligaas u istaagay samatabixinta waxbarashada Soomaaliya in la qariyo iyada oo laga qarinayo kuwii ay dartood nafhurnimada u samaynayeen.
Dhabar adaygii iyo go'aankii ku dhisnaa geesinimada waxa uu dhalay in wadanka uu yeesho macalimiin dadka waxbaro, sharciyaqaano Ummadda u kala garqaado, dhaqaalayahano dhaqaalaha dalka talo iyo tusaale ku yeesha, cilmi-baarayaal iyo dad dhammaan qeybaha nolosha wax ka taray.
Markii aan maqlay jaamacadda Muqdisho waxaan ahaa arday dhammeynaya dugsiga Dhexe ee dugsiga Uxud iyo Aqsa oo ku yaalo Xamarjadiid Deg. Wartanabadda. xilligaas dugsiga dhexe waxaa looga bixi jiray fasalka 9-aad, manhajka dalladaha midoobay ayaa lagu qaadan jiray iskuulka. Macalimiintii aan wax ka bowsaday heerkayga iskuulka waxay u badnaayeen macalimiin ka soo wax bartay kulliyadda waxbarashada jaamacadda Muqdisho.
Ka dib ku biiristaydii jaamacadda Muqdisho iyo hadda oo aan ahay sannadkii u danbeeyay waxaan la kulmay shaqaale, macalimiin, maamul iyo arday ay na dhex martay saaxiibtinimo, waalidnimo, ixtiraam, sharci iyo wada shaqeyn. Waxaan dhihi karaa waa meesha ugu mudan ee ay ahayd in aan waxbarasho u doonto, waana ku faraxsanahay la jaallidooda sannadihii aan wada joognay.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan aqoonyahanadii doorka ku lahaa asaaska jaamacadda Muqdisho, Maamulka jaamacadda heer walba, macalimiinta iyo ardayda magaca jaamacadda noloshooda saamaysay. In ay horumar intaa dhaafsan gaaraan baan rajaynayaa. Guul baan u rajaynayaa jaamacadda iyo dadka la jaalka ah.
#MU25thAnniversary
#MURubucQarni
#MU25Years
#MU25_Tacliin_Tayo
Comments
Post a Comment