Fariin walaaltinimo
.
Ayadoo aan la socono in uu jiray tartan u dhaxeeyay Xildhibaan iyo wasiiru dawlaha wasaarada cadaalada Yuusuf Gama'diid oo ah Xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka Himilo Qaran iyo Korneyl Isxaaq Cali Cabdule oo ahaa shaqsi booliska Soomaaliyeed wax badan ka soo shaqeeyay, intii lagu hawlanaa ololaha doorashada labada dhinacba waxa ay lahaayeen labada nin dad taageerayaal ah oo la dhacsanaa qorshayaasha ay kala wateen. Aydoo ay intaas jirto waxaa dheer in kursiga uu hal yahye Jijeele uusan meelna ka soo qooyin tiradooda. Ayadoo ay intaas jiraan hadane waxaa xuso mudan in ragga tartamaayay iyo ragga ololaha labada dhinac la kala safnaa ay wax un Soo kala gaareen sidaa darteed waxaan ku talinaa
1. Waxa lagu loolamaayay waa hal kursi suurta galna ma ahayn in Gama'diid iyo Isxaaq ku wada fariistaan, tartanka marka lagalana waa in qof soo baxaa kuu ahaadaba, horeyaa soomaalida waxa ay ugu maahmaahday "Gari laba qof kama wada qosliso".
2. Gama'diid iyo Isxaaq waa laba nin oo walaalo ah haddii siyaasada lagu kala adkaaday walaaltanimadii iyo in ay wada dhasheen aan meesha marna ka baxeynin.
3. Dadkii labada dhinac la safnaa ee wax soo kala gaareen in laabta la isku furo oo la is cafiyo walaaltinimada iyo ehelnimada ay wax walba ka weynaato.
4. Gama'diid waxaan u soo jeedinayaa in uu gogol walaatanimo dhigo wixii la soo marayna lagu kala iloobo, yuusufow waxaad ogaataa in aad matalayso soomaali gaar ahaan Jijeele waxa lagaa filaayo waa in aad intii garaankaaga aadan ka hagran reerkaaga iyo soomaalida.
5. Dhalinyarada ayagana waxaan dhihi lahaa saaxiibayaalow magaalkan aqoon iyo fikir ayaa lagu joogaa, xifaaltanka inta joojisaan meel sare hiigsada.
Intaa waa aragtidayda
Hadaadan qoraalkan jeclaysan ka raali noqo Aallowyaal
Comments
Post a Comment