SIDEE LEYSU BARAA JAHLIGA?


Aqoonta lagu barto hannaan walba ee waxbarasho waxaa lagu qaataa aqoon uu qofku intifaacsado. Ha ahaato aqoon farsamo ama aqoon aragtiyeed, ha ahaato aqoon dabiicad ama aqoon bilshadeed, mid ay tahayba aqoontu waxay kugu kordhisaa waaya-aragnimo loo kaashado nolosha. Laaakiin aqoonta ah in lays-baro jahliga waa waxbarasho soo jirtey muddo dheer oo leh culumo ku takhasusta, taas oo afka laatiinka lagu yiraahdo (Agnotology). Waa tallaal lagu beerayo ra’yi jaahilnimo baaxad wayn, kaas oo la doonayo in bulshada lagu yeesho saamayn lagaga danaysto iyada oo la marayo manhajka marin-habaabinta. 


Haddii horey loo sheegey in aqoontu ay tahay awood, barashada jahliga waa awoodda lagu bur-buriyo awoodda aqoonta. Dadyowga dunida ku nool, tamarta kaga baxda in aadamigu wax bartaan oo ay aqoon ku adeegtaan, tamar ka xoog wayn ayaa kaga baxada in dadka lagu dhex faafiyo jahliga oo au aqoon-darri ku adeegtaan. Dadkaasi jahliga faafinaya waxay diiddan yihiin xaqiiqooyinka nolosha oo aqoonta lagu gaarayo. Sidaa darteed waxaa jira mu’sasaad dowli ah ee xooggan oo ku hawlan in caqliga aadamiga ay kala diriraan garashada iyo aqoonta ama ay ka shaki geliyaan xaqiiqooyinka nolosha. Markaas ayaa casrigii lagu magacaabay casriga aqoonta iyo sancada dadkii waxay noqdeen kuwo cabiid ah iyaga oo aanan is-ogeyn. Haddaba aynu u baxno fagaaraha ay aqoon-yahannada bulshadu kaga sheekeystaan barashada jahliga.


In dadka laga yeelo juhalo maahan oo keliya in aqoonta laga ilaasho, bal waa manhaj maskaxda qofka lagu callaqayo, dabadeed uu ku shaqeynayo. Aqoonta jahliga waa handasada jaahileynta iyo farsamooyinka la diraaseeyey ee saameyntiisa. Taasi waxay raad ku yeelanaysaa qanaacadda qofka ama bulshada iyo doorashooyinka ay ka leeyihiin nolosha. Waa qaab lagula kaco ummadaha si loogu jaheeyo waddada ay ku daciifayaan. Dadkaasi lagu guuleysto in ay bartaan aqoonta jahliga waxay ka fogaadaan dhaqankii iyo anshixii ay qarniyada badan ku soo ceysheen oo ay awoowayaashood ka dhaxleen. Markaas ayaa waxay ku dhacaan shaki iyo xeyraamid, waxaa ku dhasha cabsi ay ka qaadaan dadka shisheeyaha ah. 


Erey-cilmiyeedka loo yaqaan aqoota farsamaynta jahliga wuxuu yahay (Agnotology)Waa aragtiyo falsafadeed oo lagu baadiyeynayo dadka. Inkasta oo fahamka aqoonta Agnotolojiydu ay soo af-baxdey sanadihii 1970-aadkii ee qarnigii tegey, misana xilligaas laguma baraarugin jiritaanka barashadan iyo dhawaacyada ay u geysan karto bulshooyinka aadamiga ah. Aqoon-yaanka la yiraahdo Prof. Robert Neel Proctor waa taariikh-yahan u dhashay dalka Mareeanka. Sanadkii 2008-ii ayuu bixiyay magacan ah samaynta jahliga (Making Inorance), taas oo ereybixinteeda aqooneed uu ku sheegey (Agnotology). Aragtidan ah samaynta Jaahilnimada, waxaa uga horeeyey ninka la yiraahdo Iain Boal oo isna ah taariikh-yaan u dhashay dalka Irish. 


Aragtida uu xmbaarsan yahay ereyga Agnotology waa mowduuc soo jireen ah oo ay dadka kuwooda xilalka haya kaga danaystaan dad-waynaha ay mudnaanta ka heleen. Gaar ahaan kuwa hiyi-raacyada ah oo maskaxooda ayan ku filleyn in ay fasirtaan sababaha dhacdooyinka nolosha iyo natiijooyinka laga filanayo. Waxaa tusaale nool loo soo qaadan karaa fiisik-yahankii caanka ahaa Galileo Gailei markii uu sheegey in dhulku uu ku wareego qorraxda, waxaa arinkii ka hor-yimid wadaaddadii kaniisadda oo kitaabka ay haysteen xilligaas uu dhigayay in dhulku taagan yahay, qorraxduna ay socoto. Baadarigii kaniisadda Roma ugu sareeyey Pope Urban-kii VIII-aa, si uu u difaaco beentii ku qorneyd kitaabka uu diin ahaaan u haystay, wuxuu beenaale ku sheegey Galilei Galileo. Isla-markaas wuxuu ku xukumey xabsi guri illaa uu ka dhinto. 


Dhowr qarni ayaa dad-waynaha Yurub ay kaniisaddu diin uga dhigeysey beentaas.Sanadkii 1992-kii, baadarigii ugu waynaa Vatikaanka Pope Ioannes Paulus PP II-aad ayaa khudbad uu u jeediyay dadyowga raacsan diinta katooligga wuxuu ku sheegey in Galilei Galileo oo ka saxsanaa kaniisadda. Ciqaabtii lagu qaadayna ay ahayd dulmi lagu sameeyey aqoon-yahankaas u dhashay Talyaaniga. Dhacdadan waxay markhaati u tahay sida qarniyo badan ay kaniisaddu u marin habaabisay malaayiin dad ah oo ku raacsanaa khalad ay goor danbe aqoonsatay in ay dadkeeda ku khasbaysay in ay u aaminaan caqiido diineed oo dadka jahli ku abuureysa. Haddii afar qarni horteed uu dadku caynkaas ahaa, maanta ayuu jahligu ka xooggan yahay. Sidaasna waxaa ku hadlay Prof. Robert Neel Proctor oo yiri: 


” Waxaanu nool-nahay xilli ay dunidu saamaysay jahli xag-jir ah. Waxaa yaab leh jaad walba oo ogaal xaqiiqa ah in uu ku soo gaarayo iyada oo ku guda-jirta tashwiish badan. In-kasta oo aqoontu ay tahay mid baahsan, taasi macnaheedu maahan in aanu gaarnay xaqiiqadii aqoonta ”. 



Xikmad-yahankii Jarmalka ahaa ee la oran jiray Immanuel Kant (1724 - 1804), ooraahdiisii ahayd aqoontu waa awood (Knowledge is Power), in-kasta oo ay dood badan ka furtay dhamaan faracyada aqooneed, taas oo xoojineysa fahamkan, misana aayad quraan ah ayaa kaga horeysey oo tilmaantay in aqoontu tahay awood. Aayadda 5-aad ee suuradda Al-Najm, iyada oo ka waramaysa macallinka Jibriil ah ee wax baray suubanihii Maxamed ahaa (sh.n.d.a.), aayaddu waxay tilmaamaysaa xooggiisa. Aayaddu waxay leedahay sidan:


(عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ)


Waxaa halkaas laga fahmayaa xiriirka ka dhexeeya aqoonta iyo awoodda. Ooraaa ah Aqoontu waa Awood macnaheedu waxay tahay qofka ama bulshada aqoonta leh waxay si fudud u maareyn-karayaan caqabadaha ay nolosha kala kulmaan. Mana ay noqdaan kuwo lamid ah Soomaalida maara-waaga ah ee soddon sano iyo ka badan, hannaankii ay ku hoogeen weli xal moodaya. Iyada oo arinkaas laga duulayo ayaa shakhsiyaadka dadka hoggaanka u haya waxay fahamsanaayeen in aqoontu ay tahay awood lamid ah awoodda ciidanka iyo awoodda dhaqaalaha. Aqoontu waxay awood u siinaysaa in dadku ay ogaadaan sida loo xakameeyo loona adeejo xoogagga dabiiciga ah. Waxaana ay noqonayaan kuwo kala saari karia xaqa iyo baadilka, wanaag iyo xumaanta, saxa iyo khaladka, guusha iyo guuldarrida, iyaga oo adeegsanayna aqoontooda. 


Aqoontu waxay inagu caawisaa inaan qorshayno oo weiba ay nagu hagto tubta toosan ee aayaha aanu wada-dhowrayno. Waxay kaloo naga caawinaysaa inaan ka gudubno khaladaadka iyo kalsooni-xumida nolosha la-gala kulmo, iyada oo xakameeneysa guuldarrooyinka la wajahayo. Heer qof ayay bulshada ku xoojisaa hor u-marinta noloshiisa maskaxeed iyo midda anshaxeed. Marka ayan ahayn mid loo barto faan iyo in lacag lagu helo ama qabyaalad loogu adeego, aqoontu waxay noqotaa aagab aanan looga maarmin isbeddel bulshadeed oo togan. Waxaa la oran karaa aqoontu waa tiirka nasiibka iyo guusha. 


Haddaba marka ay aqoontu tahay awooddaas aanan nolosha looga maarmin, bulsho walba oo la doonayo in laga danaysto waxaa laga weeciyaa waddada aqoonta oo waxaa lagu weeciyaa waddada jahliga. Sidaa darteed faafinta jahliga waa hannaan casri ah oo loo gudbiyo qaab cilmiyeysan oo farsamo sare ay weheliso. Marka la eego isbeddellada cilmiyeed ee waawayn oo ay il-baxnimada adduunku ku soo kordhisay dhinacyda nolosha ee kala duwan, waxaa muuqanaya in isbeddelladaasi ay yihiin guulo waawayn oo u soo hoyatay garashada aadamiga iyo habsamidii uu ugu noolaan lahaa dhulka oogadiisa. 


Laakiin waxaa jira isbeddel kale oo ku saabsan u adeegsiga aqoontaas ujeedooyin kale oo laga yaabo in aanay ahayn kuwo anshaxeed. Kuwaasi waa isbeddellada aqoonta ah ee shaqaaleysiineysa marin habaabinta aadamiga iyo khiyaanooyinka lagu luggoonayo basharka. Taasina waxay ku imanaysaa, sida aanu soo xusney in dadka laga hor-joogsado ama laga calwiyo irdaha aqoontii xambaaranayd ogaallada xaqiiqada ah, dabadeed loo furo irdaha aqoonta jahliga ama xaqiiqo wasakhaysan oo shaki iyo humaag uu ku awdan yahay.


Jahligu waa cunsur ka soo horjeeda fahamka dhabta ah ee sababaha dhacdooyinka, halka wacyigu uu yahay erey ka turjumaya xaaladda ay ku sugan tahay maskaxda maraka ay caafimaad qabto, taas oo awood u yeelanaysa in ay si miyir-qab ah ula xiriirto riwaayadaha ka dhacaya fagaaraha ku hareereysan. Asal ahaanna jahligu waa laba qaybood. Mid waa aqoon-darrida qofka uu kaga sugan yahay khibradaha nolosha. Midda labaad waa jaahilnimo ka dhalata maskaxda qofka oo lagu rakibo ogaallada makiinadaha jahliga ka shaqeysiiya. Maskaxda waa xubinta beegta go’aamada maangalka ah ee qofka uu ku hawl-gelayo. Taasina waxaa damaanad qaadaya garashada xaqiiqda ama aqoonta jahliga. 


Si raad saameyn leh loogu yeesho fikirka dad-waynaha loona helo natiijooyin waxtar u leh daneeyayaasha, waxaa muhim ah in la maareeyo maskaxda dadka. Taasina waxay u imanaysaa faafinta ogaalada la doonayo in la hirgeliyo ama tirtiridda ogaallada la diidan yahay in ay hirgalaan si maskaxda dadku ay ula qabsato. Daabacaadda iyo tirtiridda lagu samaynyo maskaxda waxay u baahan yihiin habab sax ah iyo aqoon buuxda oo la xiriira hab-dhaqanka cilmi-nafsiga iyo aragtida maaraynta fahamka la faafinayo waxa uu ka dhigan yahay. Maareynta jahliga wuxuu ka kooban yahay jahliga abaabulan iyo aqoonta jahliga. Sidaas ayaa aqoonta jahliga (Science of Ignorance) ama handasada jahliga (Ignorance Engineering) waxay yihiin farsamooyinka been abuurka ee lagu doonayo in la buuro jahawareer, shaki iyo khiyaamo iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro faa'iidooyin dhaqaale iyo siyaasad. Faa’iidooyinkaas ayaa waxay ka imanayaan agab badan oo la iibsado oo dadka hantidooda sidaas lagu dhaco ama dadka laysku laayo oo dhiiggooda laga macaasho. 


Sida caadadu tahay, in badan oo kamid ah dadka, sikoloojiyadda nafsaddooda ayaa waxay u ajajaban tahay la fal-galka aqoonta jahliga, xataa haddii ay aqoon leeyihiin. Dadkaasi oo ah kuwa caqli-gaabka lagu sheego waxay yihiin kuwa Eebbaha uuntay uusan la hadlin. Quraanka ku arki-meysid aayad quraan ah oo wax u sheegeysa caqli-gaabyada. Sabatu waxay tahay iyagu waxay caqligoodii amaahiyeen macalimiinta jahliga, markaas ayay iyaguna habaabeen una halgameen mabaadida lagu habaabinayo aadmiga. Dadkaasi waa kuwa leh tilmaamaha ay kamidka yihiin doqonniino, caajisnimo, dayac, caadifad dheeri ah, hilmaan badan, war-xun jacayl, iimaan-yari, hubsiimo la’aan, aragti-gaabni, dhex-maquurid wax walba. Tilmaamahan iyo kuwa lamidka ah waxay qofka ku abuuraan aragtiyo aqoon ku-dhac ah (Science Fiction), kuwaas oo dhisaya har (hoos) falsafadeed. 




Waxaa jirta aragti oranaysa aadamigu uma baahna in wax la-baro, bal xoolaha qaarkood ayaa marka la laylinayo wax la-baraa. Qofka aadamiga ah markii la uumay ayaa waxaa loo dhameeyey garashada. Farqiga u dhexeeya aqoonta iyo garashaduna waxaa lagu sheegaa in ay tahay, xoolaha markii ay caadeystaan waddada lagu aroorsho waa ay bartaan oo kama lumaan. Sidaa darteed goobta uu ceelku dhaco iyo waddada loo maro waa aqoon xoolaha la bari karo. Laakiin garashada ayan haleeli karin ayaa wuxuu yahay in ay fahmaan in xilligi uu yahay aaran oo ceelkii uu buuxo iyo xilligu uu yahay abaar oo ceelkii biya-yareeyey. 


Haddaba aadamigu aqoon uma uu baahna ee wuxuu u baahan yahay tilmaan lamid ah layligii xoolaha. Waayo waxaa lagu abuuray garasho oo aqoon ideylkeed waa ay ku tallaalan tahay. Karaamada uu xagga Eebbe ka mutaystay ee uu kaga saadcaleeyey uunka kale waxay tahay garashadaas. Sida loo dhamaystiray abuurkiisa ayaa garashadiisana loo dhamaystiray. Quraanka oo arintaas caddaynaya ayaa aayadaha 3-aad iyo 4-aad ee suuradda Al-Raxmaan waxay oranayaan sidan: 


(خَلَقَ الْإِنسَانَ . عَلَّمَهُ الْبَيَانَ)


Labada aayad oo midna ka hadleyso abuurista qofka midda kalena ka hadleyso garashada loo hibeeyey ayaanan wax xaraf ah oo xiriiriye ah uusan u dhexey. Waxaa halkaas laga fahmayaa in abuurka xubnaha aadamiga oo ay naftii la socoto iyo awoodda garashadiisa ay isku yihiin hal mashruuc oo aanan ku iman kala danbayn, bal iyaga oo wada-socda ay mar qura isla-yimaadeen. Waxaa mudan in la fahmo, garashada lagu hal-abuuro is-le’egyada qallafsan ee ka hadlaya fiisikada uunka, maahan kuwo u xiran culimadii soo bandhigtay oo keliya. Bal waa kuwo qof walba oo aadami ah uu u sharaxan yahay in uu helo haddii uu dadaal ku bixiyo. Ereyga ay ayaadda 4-aad xustey ee ah (عَلَّمَهُ الْبَيَانَ) wuxuu xoojinayaa aayaddii kale ee ka warbixineysey awoowaha basharka Aadan in la baray magacyada wax walba ee jiray ama jiri-doona. Aayadda 31-aad ee suuradda Al-Baqara bilowgeeda waxay oraneysaa sidan:


(وَعَلَّمَ آدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا)


Culimada quraanka fasira qaarkood waxay sheegaan in magacyo qallalan oo keliya aanan la barine, loo raacshay magac walba qeexiddiisii oo cilmiyeysan. Sidaas ayaa dhismaha biology-ga ee dhamaan aadamiga maahan muuqaalka oo keliya, bal waxaa la socda mudnaanta garashada. Haddii Albert Einstein uusan ku hor-mareen hindisaha hal-abuurkiisii aragtida isu-dhiganta (Theory of Relativity), wax ka hor-taagnaan lahaa ma-jireen in qof Soomaali ah uu helo haddii uu muujiyo dadaalka uu sameeyey fiisik-yahankaas. Sidaa darteed aadamigu waxbarasho uma baahna ee wuxuu u baahan yahay waa tilmaan oo keliya. Goortii uu tilmaanta helo, garashadiisa ayuu adeegsanayaa.


Ereyga jahli wuxuu ka soo hor-jeedaa aqoon iyo ogaal, macnahiisuna wuxuu yahay garasho xumi iyo wacyi la’aan. Dad badan ayaa malaynaya in jahligu uu yahay iyada oo aanan la-haysan darajooyin sare ee waxbarasho ama jaamacado laga qalin-jebiyo. Malaha caynkaas ku dhisan ayaa wuxuu kamid yahay jahliga. Iskuul la dhigto iyo jaamacad laga baxo oo keliya loogama baxo jahliga, laakiin waxay qayb ka noqdaan in jahliga laga baxo. Mana ahan jaamicadaha aqoonta kuwa laga dhaxlo hal-abuurka xirfadaha, khibradaha nololeed, caqliyadda hal-doorka ah, tijaabooyinka wax soo kordhinaya iyo cilmi-baarisyada aqooneed. Sidaa darteed inta badan jaamicadaha waxaa laga bartaa xirfad kooban oo lagu shaqeysto. Saddex qaybood ayuu jahligu u qaybsamaa. Waxay kala yihiin:  


1) Jaahilnimada dhabta ah (Factual Ignorance): waa jaahilnimo la xiriirta xaqiiqda oo aan la garanayn.


2) Jaahilnimo wax aanan la aqoon (Objective Ignorance): waa jaahilnimo la xiriirta aqoon la’aan lagaga sugan yahay arimo la xiriira timaaddada. 


3) Jaahinimo farsamo (Technical Ignorance): waa jaahilnimo la xiriirta sida wax loo qabto.


Haddii aanu soo qaadanno tusaale lagu fahmo arintan waxaa la oran karaa, waxaa jira dad badow ah oo aanan la socon loolanka siyaasadeed iyo midka ciidameed ee dowladaha waawayn ka dhex aloosan. Iyagu waxay arinkaas kaga sugan yihiin jaahilnimo dhab ah (Factual Ignorance). Waxaa jira dad arintaas la socda laakiin aanan xog badan kahayn oo ay ku saadaaliyaan natiijada ay colaaddaas ku danbeeneyso (Objective Ignorance). Waxaa iyana jira jahli lagaga sugan yahay farsamooyinka laysu adeegsanayo (Technical Ignorance). 


Jahligu wuxuu ku imanayaa laba siyaabood. Mid waxay tahay in qofku uu shiiqiyo awooddii garashao oo eebbe uu ku tallaaley oo wehelisey abuurkiisii. Midda labaad waxay tahay in qofku uu ka caajiso in uu baadi-goobo ogaallada uu dabiicadda uga baahan yahay oo uu noloshiisa u kaashanayo. Aqoonta Agnotology-ada waxay baabi’inaysaa labadaas awood oo qofku ku noqonayo aqoon-yahan nolosha si sax ah u fahamsan. Hannaankan ah samaynta jaahilnimada waa manhaj adeegsigiisa uu isku-si u saamaynayo bulshooyinka hor u-maray iyo kuwa dib u-dhaca ku sugan. 


Aragtiyadaasi waxay kala yihiin: (1) Aragtida Faafinta Cabsida (Fer Spreadin Theory), (2) Aragtida Abuurka Shakiga (Thoery of Rising Doubts), (3) Aragtida Farsameynta Jah-wareerka (Theory of Creating Cofusion). Bal aynu mid walba goonidiisa uga faalleyn si aanu u fahamno raadka uu mid-walba ku yeelanayo in jahligu ku dhex-faafo bulshada dhexdeeda.


Aragtida 1-aad, waa mid saamayn ku leh cilmu-nafsiga aadanaha iyo koritaanka abuurkiisa. Dadka waxaa ku tallaalan dareen xooggan oo ah in ay fiiro gaar ah u yeeshaan khataraha uu la nool yahay. In uu u xog-hayo khatarahaas waxay gacan a eysanaysaa maareynta sidii uu ua babaai lahaa. Sidaa darteed dareenka bulshooyinka waa ilo si adag loogu loolamo si looga danaysto. Agabka warbaahinta, ololaha siyaasadda, barnaamiyada madadaalada, mashaariicda xayaysiisyada, ururada rayidka ah, dhamaantood waa agab loo adeegsado istrateejiyadaha kala duwan ee cabsi-abuurka. 


Tilmaamaha sare oo aadamigu leeyahay waxaa kamid ah in qofku uu ku baraarugsan yahay in uu nool yahay. In kasta oo wacyiga naftu ay mararka qaarkood kiciso dareen farxadeed, misana waxaa jira xilliyo ay cabsida weheshato. Cabsidaas ku tallaalan aadamiga oo abuurkeeda uu la kowsaday abuurkii aabihii dada, ayaa waxaa jira in si khaldan loo adeegsado. Waxaa adeegsada siyaasiyiin, ganacsato, gacan ku dhiiglayaal, dagaal-oogayaal iyo klm. Cabsida waxaa si joogto ah loogu adeegsadaa dagaalka nafsaaniga ah iyada oo la wajahayo bulsho markaas la beegsanayo si looga fushado ajeen.   




Iyada oo maluhu uu yahay in aadamigu uu ku nool yahay casri ay aqoontu heer sare gaadhay, ayaa xaqiiqadu waxay tahay dadka intiisa badan in ay la nool yihiin jahli iyo aqoon xumi loo abuurey si ay u dabaashaan badaha jahliga. Dunida waxaa ka socda diraasado xooggan oo lagu sahminayo dadka cuquushooda. Waa diraasado lagu baadigoobayo hor u-marinta qalab lagu fahmo sida iyo sababta noocyada kala duwan ee garashada ayan u iman ama looba waayo, amaba loo daahiyo wax-tarka ay leedahay. Sida qaalibka ah, macallin caraysan ama cuqdadaysan amaba masaalix adduun ilaashanaya ayaa bare ka ah kulliyadaha lagu barto jaahilnimada. Halkaas ayay fadhidaa aqoonta uu suubanihii (sh.n.d.a.) ka duceystay markii uu lahaa: 


(اللهم اني اعوذ بك ٠٠٠٠٠٠٠٠ ومن علم لاينفع) 


Shaki kuma jiro cilmiga faa’iidada leh in uu yahay aqoonta qofkeedana uu intifaacsado, bulshadana ay ka faa’iideysato. Waa aqoonta qofkeeda anfacda adduun iyo aakhiro. Laakiin sida ka muuqata ducada nebiga, aqoonta qaarkeed jahli ayaa dabooley oo waa bilaa faa’iida. Xilligan casriga ah, jahligu wuxuu kamid noqdey mashaariicda takhasusaadka leh oo lagu hawl-geliyo farsamooyin heer sare ah si loogu guuleyto in bulshada laga dhigo juhalo aanan nolosha qiimeyn-karin. Dabadeed waxaa suurtagal noqonaya in jahligii oo ah badeecad la farsameeyey in loo iib-geeyo seyladaha lagaga ganacsado siyaasadda. Sidaasna lagu hawl-geliyo bulshada caadifadeysan iyo kuwooda makastada maan-gaableyda ah.  


Xikmad-yahankii Giriigga ahaa Plato, wuxuu ku sheegey jahliga caynkan ah in uu yahay xididka xumaanta oo dhan. Wuxuu sabab u yahay masuuliin u muquurta hantida ay ka dhalato fisqiga iyo dad-wayne dhex-yuurura saboolnimo xad dhaaf ah. Bulshada caynkan ah waxaa ka dhasha in qofku uu is-dhiibo isla-markaas uu qaabilo gumeysi uusan ilaah u uumin. Sida aanu soo xusnay dadka intiisa badan uma ay muuqadaan dugsiyada barashada jahliga. Tacliinta dugsiyadan waxay ku baxdaa qaabab kala duwan, iyada oo la adeegsanayo farsamooyinka wax laysku baro kuwooda ugu casrisan. Saddex aragti ayaa u manhaj ah casharro ka baxa dugsiyada jahliga. 


Si loo warshadeeyo jahliga dabadeed loo iib-geeyo waxaa loo baahan yahay laamaha lagala xiriiro dad-waynaha. Laamahaas ayaa waxaa la mariyaa xogta abuureysa jahliga oo dad-waynaha ka indha-saabaysa xaqiiqada. Waxaa jira saddex kooxood oo bulshada kamid ah, kuwaas oo mar-walba u sharaxan in ay ka qalin-jebiyaan dugsiyada sancada jahliga. Iyagu waxay kala yihiin (1) dadka saboolka ah oo gebi haan heerka noloshoodu sy hooseyso. (2) dadka diinta jecel oo aaminsan in qadarta ay xukunto qofku, sidaa darteed uu ka haro tariinkii nolosha. (3) dadka war-moogyada ah. 


Mu’asasaadka war-baahinta, kuwooda maxalliga ah iyo kuwooda caalamiga ah waxay yihiin agabka ugu xooggan oo si bilaa-xuduud ah u faafinaya aqoonta jahliga. Ha ahaato in ay tahay xog la iska indha-tiro, xog la soo bandhigo oo aan dhameystirneyn, xog si ula kac ah loo soo bandhigo, ama qoraallo tashwiish ku jiro. War-baahintu waxay ka awood badan tahay mu’sasaadka xukuumiga oo dowladaha iyo maamullada ay ku faafinayaan jahliga. Waxaa jira aragtiyo saddex ah oo loo adeegsado manhajka faafinta jahliga, kuwaas oo acan ka geysta qaabkii ay makastadu ku baran lahaayeen jahliga, dabadeed ay u noqon lahaayeen kuwo ku hawl-gala garasho xumi ay ka dhashaan go’aamo guracan.  


Aragtiyadaasi waxay kala yihiin: (1) Aragtida Faafinta Cabsida (Fer Spreadin Theory), (2) Aragtida Abuurka Shakiga (Thoery of Rising Doubts), (3) Aragtida Farsameynta Jah-wareerka (Theory of Creating Cofusion). Bal aynu mid walba goonidiisa uga faalleyn si aanu u fahamno raadka uu mid-walba ku yeelanayo in jahligu ku dhex-faafo bulshada dhexdeeda.


Aragtida 1-aad, waa mid saamayn ku leh cilmu-nafsiga aadanaha iyo koritaanka abuurkiisa. Dadka waxaa ku tallaalan dareen xooggan oo ah in ay fiiro gaar ah u yeeshaan khataraha uu la nool yahay. In uu u xog-hayo khatarahaas waxay gacan a eysanaysaa maareynta sidii uu ua babaai lahaa. Sidaa darteed dareenka bulshooyinka waa ilo si adag loogu loolamo si looga danaysto. Agabka warbaahinta, ololaha siyaasadda, barnaamiyada madadaalada, mashaariicda xayaysiisyada, ururada rayidka ah, dhamaantood waa agab loo adeegsado istrateejiyadaha kala duwan ee cabsi-abuurka. 


Tilmaamaha sare oo aadamigu leeyahay waxaa kamid ah in qofku uu ku baraarugsan yahay in uu nool yahay. In kasta oo wacyiga naftu ay mararka qaarkood kiciso dareen farxadeed, misana waxaa jira xilliyo ay cabsida weheshato. Cabsidaas ku tallaalan aadamiga oo abuurkeeda uu la kowsaday abuurkii aabihii dada, ayaa waxaa jira in si khaldan loo adeegsado. Waxaa adeegsada siyaasiyiin, ganacsato, gacan ku dhiiglayaal, dagaal-oogayaal iyo klm. Cabsida waxaa si joogto ah loogu adeegsadaa dagaalka nafsaaniga ah iyada oo la wajahayo bulsho markaas la beegsanayo si looga fushado ajeendooyin la damacan yahay. Tusaale waxaa ah in ra’yiga dad-waynaha lagu abaabulo jiritaanka cadow mala-awaall ah. Markaas ayaa dad-waynuhu wuxuu ku argagaxayaa masiirka gudcurka ah oo ay qaabilayaan haddii ayan ka qayb qaadan ka hor-taggiisa. Cabsidaas xooggan waxay shiiqineysaa caqiga qofka cabsanaya. Aqoon uu leeyahay, qofkaasi kama faa’iideysan karo, hal-abuurna ma yeelan karo.




Aragtida 2-aad ee ah shaki-abuurka (Thoery of Rising Doubts): waa aragti la xiriirta in qofka ama bulshada laga shaki geliye wixii uu haystay oo bulsho-ahaanteeda ay wax-jira ku ahayd. Markii uu shaki yimaado waxaa lagu danbeynayaa xaalad lagu inkiro xaqiiqadii ay nolosha ku taagnayd. Bulshadaasi shakileyda ah waxay yeelanaysaa caqli soo dhoweeya wixii cusub oo ogaallo ah. Markaas ayaa laga il-helayaa oo waxaa loo soo iibgeynayaa ogaallo qasan oo ayan kala garan-karin midkiisa saxa ah iyo midkiisa luggooyada ku ah. Ogaallada ugu horeeya oo bulshada caynkaas ah loosoo gudbiyo waxay tahay in ay qaataan aqoon daciif ah oo aanan waxba ku kordhin noloshooda. Aqoon u eg in ay aqoon tahay, laakiin aanan lahayn hal-abuur. Isla-markaas aanan xal u noqonayn mushkiladaha dhaqaale iyo mixnadaha siyaasadeed ee haysta. Waa aqoon aanan si dhakhso badan loogu gaareyn hadaf bulshadu leedahay. Waxbarashada noocaan ah ayaa ah nooca ugu xun ee jahliga ee uu shakiga dhaliyo. Waddadii saxa ahayd oo laga leexdo, shaki dartiis iyo waddadii khaladka ahayd oo la qaado. 


Aragtida 3-aad ee ah Farsameynta Jah-wareerka (Theory of Creating Cofusion): aragtidan jah-wareerka ah waxay fududaatay markii uu yimid kacdoonka ogaalka iyo is-gaarsiinta IT-da (Information & Telecommunication). Kacdoonkan ayaa faa’iidada uu keeney waxaa garab socda umuuro si xooggan loo dhibsado. Teknolojiyadan cusub waxay horseed ka noqotay ilo cusub oo si fudud ogaallada leysugu gudbiyo. Taasi waxay calwisey xogihii saxda ahaa ee si tifaf-tiran loo gudbin jiray. Ogaaladan ku yimaada ilahan cusub maahan kuwo ku xiran hal-beeg leh isla-xisaabtan iyo quudin togan oo kala saarta anshaxa togan iyo midka taban. 


Internet-ku wuxuu markaas noqdey goob gacan siisa kuwa doonaya in aqoon-darridu si dhab ah ugu dhex-faafto bulshada. In-kasta oo internetka ay ka faa’iideystaan dad badan oo ka arradan anshaxa iyo aqoonta, misana waa fagaare uu qof walba doonayo in uu ku muujiyo heerka ay gaarsiisan tahay aadaminimadiisa. Sidaa darteed fagaaruhu wuxuu noqdey meel danleyda ay ka ugaarsato kuwa makastada ah ee lagu hawl-geliyo hiyi-raaca. Iyaga waxaa isu qaban-waayaya is-diidka ogaallada bugta iyo beenta ah oo ay kaga dhergaan agabka war-baahinta iyo xaqiiqada nolosha. 


Sidaas ayaa jahligu uu ku faafaa iyada oo dadku ayan ogeyn fikradna aanan ka haysan xaqiiqadiisa. Waxay u-sii daran tahay marka koox maslaxad ganacsi leh ama koox dano siyaasadeed leh ay si ula-kac ah u qorsheystaan in ay jahliga faafiyaan. Iyagu si markaas ay ugu guuleystaan qadiyad kamid ah kuwa taagan ayaa waxay u adeegsadaan in dad-waynaha lagu abuuro shaki iyo xeyraan. Goorta ay dad-waynuhu yihiin kuwo aanan aqoon lahayn waa u-sii daran tahay oo waxay noqonayaan kuwo ku gawracan beenta iyo jah-wareerka ay abuurayaan kuwa maslaxadda leh. 


In leys-baro jahliga oo si ula-kac ah dadka laga yeelo bulsho juhalo ah waa manhaj ay dowladaha iyo shirkadaha waawayn ay ku tartamaan. Si looga danaysto bulshada waa in la tirtiraa weacyigooda, dabadeed caqligooda lagu shubtaa aragtiyo sahlaya in sidii xoolihii loogu duwo goobta lala doonayo. Aragtida caynkaas ah waxay tahay mid muddo soo jirtay, maantana waa aragtida ay ku colloobeen aqoon-yahannada baadi-goobka ugu jira xaqiiqada dabiicadda nolosha iyo ganacsatada shirkadaha ee baadi-goobka ugu jira ribixa ku soo kordhaya ganacsigooda.  


Waxaa xaqiiqa ah in maalin walba ay sii kordheyso baahida aadamiga. Teknolojiyadduna waxay hunguriga u furtey baahidaas. Laakiin dad yar ayaa is-weydiiya sunta la socon-karta raashinka inoo saaran suxuunta aanu wax ku cuneyno iyo daawooyinka aanu qaadanayno. Ummadaha hanaqaadka ah waxay u dhisteen hay’ado faya-dhowr oo u ilaalisa sunta ku aasan waxyaabaha jirkooda gelaya. Sidaas oo ay tahay, dadkaasi waxaa ku sii kordhaya cabsida ay ka qabaan cudurrada laga qadayo wasakhda badan oo cimilada lagu qubayo iyo waxyaabaha la qarinayo ee la socda waxyaabaha jirka aadamiga gudihiisa gelaya. Loolanka cusub ee u dhexeeya aqoonta iyo aqoonta jahliga halkaas ayuu fadhiyaa. 


Nuskii danbe ee qarnigii tegey ayay dadku ku baraarugeen in ganacsatada wershadleyda ah ay qarinayaan xaqiiqooyin sugan oo la xiriira dhaawacyo ay u geysanayaan aadamiga. Maal-qabeennada ku taajirey wax soo-saarka wershadaha ayaa iyaguna ku inkirayay arinkaas. Sheekadu waxay ka bilaabatay markii la ogaaday in sigaar-cabidda laga qaado cudurka kaankarada sambabada. Shirkadahii waawaynaa ee sigaarka, ayaa waxay sigaarka ka samayn jireen lacago malaayiin ah sanad-walba. Ganacsigoodii waxaa soo food saartay dhibaato baaxad wayn. 


In-kasta oo welwelka caafimaad ee ku saabsan sigaar-cabista ay kor u kacday tobannaan sano horteed, misana horraantii 1950-meeyadii waxaa jiray ballaarin xooggan iyo xoojinta hababka sayniska oo lagu sahminayo xiriirka ka dhexeeya kaankarada sambabada iyo sigaar-cabidda. Aqoon-yahannadii tijaabooyinka sameynayay waxay gaareen natiijooyinka muujinaysa in sigaarku uu keeno cudurrada sambabada iyo sidoo kale cudurrada kale ee halista ah ee ku dhaca waddada neefsashada iyo wadnaha (Respiratory & Cardic Disease). Cudurradaas oo ay ku sheegeen in ay dhimasho sababi-karaan. Natiijooyinkani waxay ka soo muuqdeen joornaalada caafimaadka ee waaweyn, iyo sidoo kale guud ahaan warbaahinta guud. 



Sida la ogsoon yahay kaankarada waa cudur uu sabab u yahay unug kamid ah unugyada jirka oo ka baxaya hannaankii caadiga ahaa oo ay ku wada shaqeynayeen unugyada. Unug walba waa wershad iskeed u madax-bannaan oo ku shaqeeya hannaan teknolojiyadeed oo aad u sareysa. Waxaa jira wada-shaqayn iyo wax is-dhaafsi dhex-maraya unugyada, taas oo ku dhacda heer teknolojiyad sare ah. Unugga kaankarada ay ku bilaabanayso wuxuu noqonayaa mid ku caasi-garooba bulshadii unugyada ee uu la noolaa, kaas oo is xiriya. Wuxuu ka hor-imanayaa wada-shaqayntii ay unugyadu lahaayeen. 


Unuggaasi fFariimihii loo soo gudbin lahaa ayuusan qaadanayn, kuwii laga doonayay in uu gubiyona waa uu ceshanayaa. Wuxuu lamid yahay qofka aamina ideolojiyada qabyaaladda oo bulshada in uu wax u dhimo mooyee aanan wax-tar u lahayn. Unugaas caasiga ah wuxuu bilaabayaa in uu tarmo. Isaga oo xanuunsan ayuu wuxuu sameynayaa kala-go’ii unugga (Cell Division). Meeshii uu ku tarmay waxaa ku abuurmaya unugyo iyo nudo adag oo jirka ku caasi-garoobay, kuwaas oo noqonaya buro (Tumor). Unugyadaas iyo nudahaas ayuu jirku eedsanayaa marka uu u dhimanayo kaankarada. 


Sanadkii 1953-kii, ayaa culimo kamid ah aqoon-yahanka Mareekanka waxay sameeyeen tijaabo cilmiyeed oo caddeeneysa in sigaarka laga qaado kaankaro. Tijaabadu waxay ahayd, qaaca sigaarka oo laga dhigey dareere, dabadeedna ranji loo rogay ayaa waxaa lagu dhayay oo dusha laga mariyay xayn jiir ah (doolli). Muddo kadib jiirkii la ranjiyeeyey dhamaantood waxay qaadeen cudurka kaankarada haragga. Natiijadaasi waxay hurisey sharaaraddii ugu horeysey ee dhimbilihii colaadda ee ka dhex-curta aqoon-yahannada xaqiiqo-doonka ah iyo ganacsatada ribix-doonka ah. Shirkadihii tubaakada ayaa markaas bilaabay olole ay kaga hor-tegayaan xaqiiqada soo if-baxday. Iyagu waxay ilaashanayeen malaayiinta lacagaha ah oo ay ka helaan ganacsiga sigaarka ay soo soo saaraan. 


Natiijadaas ay soo bandhigeen aqoon-yahannada xaqiiqo-doonka ah macnaheedu wuxuu yahay, wax soo-saarka warshadaha ka shaqeeya tubaakada in uu yahay midka sababta u ah faafidda cudurkaas halista ah. Wallow ay ogaalladaasi dhaawac u geysteen ganacsigii tubaakada, misana hantiilayaasha wershadihii tubaakada ma ayan ahayn kuwo inkiri-karay xaqiiqadaas. Sidaa darteed, iyagu waxay ku fekereen in ay qaataan istirateejiyad cusub oo aan horay loogu arag guud ahaan taariikhda wershadleyda iyo ganacsatada Mareykanka. Istrateejiyaddaas ayaa waxay tahay been abuur iyo cambaarayn lagala hor-tago aqoontii, iyada oo tashwiish lagu furayo natiijada cilmi-baarista. 


Arintaasi fulinteeda maahayn mid sahlan. Waayo waxay ahayd xilli laga soo baxay dagaal-waynihii II-aad ee dunida. Xilligaas waxaa si xooggan loo aaminey xoogga iyo wax-tarka ay aqoontu leedahay. Waxay ahayd xilli lagu guuleystey in la fahmo tamarta xoogga badan oo ay leedahay tamarta nukliyeerka, taas oo siyaabo badan looga faa’iideystey. Mareekankana wuxuu ahaa dowladda ugu faa’iidada badan oo siyaabo kala duwan uga macaashtay aqoontan nukliyeerka. Sidaa darteed cid ku dhacday ma jirin in ay olole inkiraad ku qaaddo aqoonta. 


Warshadahan tubaakada, ayaa qudhoodu waxay ahaayeen kuwo horey u lahaa taariikh dheer oo shaqadooda la xiriirta. Xayaysiis, hal abuur leh, suuq-geyn, ayaa waxay sabab u ahaayeen in ay xiriir adag la la yeeshaan dad-waynaha. Arimahaasi waxay udub dhexaad u ahaayeen samaynta sigaarka iyo in ay ku guuleystaan ganacsigiisa oo la gaarsiiyo heer caalami ah. Laga bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19-aad, wershadaha tubaakada waxay astaan u noqdeen wax soo-saarka wershadaha adduunka ee casriga ah iyo hannaanka suuq-geynta caalamiga ah, iyaga oo ku guuleystey in ay si xad-dhaaf ah u caan-baxaan. 


Guushaas ay shirkadahan ka gaareen wax soo-saarka, ganacsiga iyo nadaamka suuq-gaynta, waxaa gubay aqoontii kashiftey dhinaca togan ee wax soo-saarkooda. Sidaa darteed, shirkadihii waxay ku degdegeen in ay kulan dhakhso ah isugu yimaadaan si ay uga wada-xaajoodaan mushkiladdan soo wajahday ganacsigoodii. Bishii disember 1953-dii, ayuu kulankaas ka dhacay (Plaza Hotel). Toddobada shirkadood ee ugu waawayn ee tubaakada ka ganacsada ayaa halkaas ku kulmey. Shirkadahaas oo laysku yiraahdo (Pec Tobacco) ayaa toddobadii nin oo madxada ka ahaa isugu yimid fadhiga. Iyagu waxay wel-wel ka muujiyeen hor u-marka uu cilmigu samaynayo in ay halis ku yahay ganacsigooda. Sidaa darteed ay ku khasban yihiin in ay qorshe mideysan uga hor-tagaan hawshan handadaadda ku ah danahooda. 


Madaxdii toddobada shirkadood waxay isku raaceen in ay hor-joogsadaan xaqiiqada cilmiyeed oo aqoon-yahannadii xaqiiqo-doonka ahaa ay ka sheegeen sigaar-cabidda. Iyagu waxay si wada-jir ah u dhiseen guddi ay toddobada shirkadood xubno ka yihiin. Ujaaddadiisu waxay tahay in uu baaritaan ku sameeyo natiijadii lagu sheegey tijaabadii aqooneed ee sigaar-cabidda ku sheegtey in kaankaro laga qaado. Iyagu waxay doonayeen in ay si cilmiyeysan u beeniyaan natiijada si ganacsigooda uusan u dhaawacmin. Sidaa darteed bayaankii ay soo saareen waxay ku baaqeen in ay gacan ka geysanayaan baaritaanka dhaawacyada uu geysanayo sigaar-cabidda. 


Wargeysyadii waawaynaa ee Mareekanka waxaa cinwaanadiisa ku soo baxay khabarkan xiisaha leh ee sheegaya in shirkadihii tubaakada ay ka qayb-qaadanayaan baaritaanka dhibaatooyinka sigaar-cabidda. Waxaa xigay shirkadihii tubaakada in ay furaan xarun cilmiyeed ee ka qayb-qaadata baaritaanka dhaawacyada uu sigaarka u geysan karo jirka aadamiga. Laakiin ujeeddadu marna maahayn in xaruntaasi ay aqoon soo kordhiso. Bal ujeeddadu waxay ahayd in la helo garasho lagu bur-buriyo aqoonta dhabta ah, iyada oo hab cilmi ah lagula dirirayo natiijooyinka runta tilmaamaya. Waa markii ugu horeysey taariikhda aadamiga oo la sahmiyo aqoon lagula diriro aqoonta.

W/Q Dr. Sadiq Eenow 

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo