"Akhri adiga oo kaashanaya magaca Rabbigaaga wax abuuray”

 [اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ ]


"Akhri adiga oo kaashanaya magaca Rabbigaaga wax abuuray” 


Qof dunidan kor joogaa isma lahayn caawa waxa ballan leh cirka iyo dhulka. Qofna ma malaynayn god madow oo Maka ku dhex yaalla ayuu ka soo bixidoonaa iftiin ifin doona dunida oo idil. Dhulku wuxu u boholyoobay cirka; maxaa yeelay, Jibriil muddo ku siman shan boqol oo sannadood lama soo degin hanuunkii uu ka keeni jiray xagga sare. Dhulku wuxu sii iftiinsanayay hadhaagii kutubtii hore oo la leexiyay, dadka badankoodu waxa ay caabudayeen dhagaxaan la qoray, ilaahyada timirta ahna dib baa loo cunayay. Waxa la gaadhay ilbidhiqsigii uu Alle doonay in uu wax-ka-beddelo ku sameeyo dunidan. Shakhsi aan waxba qorin, waxna akhriyin ayuu ku soo degay amarkani “akhri.” Shakhsigan ayaa isku si wax u baraya aqoonyahanka iyo waxma garatada. Agoonkii hore u waayay labadiisii waalid ayaa aabbayaasha hagaya, nolosha hooyooyinkana hagaajinaya. Adhi jirkii shilimmada yar Qureysh adhiga ugu raaci jiray ayaa dusha laga saaray mas’uuliyadda caalamkan oo dhan. Ninkii ka shaqayn jiray hantida Khadiija, ayaa maanta hagaya oo hagaajinaya dhaqaalaha caalamka. Run badanihii aamminka ahaa ayaa caawa la wareegaya ammaanadiisa. Godku waa madow, isna wuxu ku mashquulsan yahay ka fakarka cirkan ifaya iyo saxarahan haawanaya, naftiisana waxa ku soo dhacaya arrimahani waa ay ka weyn yihiin in uu sameeyay sanam uu qoray addoon xabashi ah oo ay caabudaan madaxda Qureysheed. Kani waa Jibriil oo hortaagaan, gogoldhig la’aan ayuu ku yidhi: akhri. Wuxu ugu warceliyay: anigu waxba ma akhriyo. Mar kale ayuu ku celiyay: akhri, isna wuxu ugu warceliyay: waxba ma akhriyo. Mar seddexaad ayuu ku celiyay: akhri, isna wuxu ugu warceliyay: waxba ma akhriyo. Si xoggan inta uu u soo jiiday ayuu ku yidhi: "اقرأ باسم ربك الذي خلق" 


Maxaynu ka baranaynaa sheekadan? 


1- Ereygii ugu horreeyay Quraanku waa “akhri”, balse ma ahayn salaad ama soon, sababtuna waa in uu cilmigu ka horreeyo cibaadada. Salaad aan wadan cilmi iyo caqiido, waxa ay noqonaysaa jimicsi. Soon aanay ka horrayn cilmi iyo caqiido, wuxu noqonayaa cunto joojin. Dawaaf ka madhan cilmi iyo caqiido, wuxu noqonayaa jimicsi miisaanka jidhka lagu dhimo. Alle (swt) ma odhan jihaad; waayo jihaadka aan ku dhisnayn aqoon iyo aamminaadi, dagaalyahannada waxa uu ka dhigaa jirri jidadka fadhiista. Ilaahay, ma odhan ganacso; maxaa yeelay ganacsiga aan ku dhisnayn aqoon iyo ammaano, wuxu isku dhex badhxaa xaaraanta iyo xalaasha. Alle (swt) laguma caabudo aqoon-darro, kitaabkiisan lagu ballaysimay akhrina suurtagal ma aha raacayaashiisu in ay noqdaan waxma garato iyo hawo raac. 


2- Wakhtigii uu Jibriil ku soo degay Nabiga, wuxu ahaa mid cabsoonaya oo uu dhidid ka hoorayo. Uma tegin adeerkii Xamse oo ahaa libaaxii Qureysheed; si uu u ilaaliyo. Uma tegin Abu Bakar oo ahaa saaxiibkiisii ugu qaalisanaa; si uu niyadda ugu dhiso. Ma tegin daaru Nadwa oo ay ammintaa fadhiyeen madaxdii Qureysheed; si ay u soo dhaweeyaan, laakiin wuxu u tegay Khadiija; maxaa yeelay yada ayaa u ahayd adeer, saaxiib iyo tolba. Hantideeda oo dhan ayay farta ka saartay; waayo waxa ay ogayd labada isqaba ee ku kulma gogoshu in ayna isku diidayn shilimmo yar. Khadiija, Muxammad waxa ay u ahayd aabbihihiisii aanu arag, hooyadiisii uu wayaay isaga oo aad u yar, awowgiisii mas’uulka ka ahaa iyo walaalihiisii aan dhalan, isna daacad ayuu u ahaa oo intii ay noolayd ma guursan gabadh kale. Khadiija, Caa’isha ayaa ka hinaasi jirtay tiiyoo mar hore dhimatay, waxaanay odhan jirtay: “wali ma hadal haysaa yada oo Alle kuugu beddelay wax ka khayr badan.” Nabigu, wuxu ku yidhi: “Ilaah baan ku dhaartaye, Alle ima siin gabadh ka wanaagsan khadiija.” Waxaas ayaa ballan oofin ah. Qalbiga nooli ma hoojiyo qof dhintay oo abaal u galay, kaas oo dunida u iftiimiyay. Xilligii uu Nabigu lixdan jirsaday ayuu arkay saaxibadihii Khadiija oo da’da siddeetanka afka saaray, go’iisii ayuu u siibay; si ay ugu fadhiistaan, dadkii ku hareeraysnaa oo aad u yaabanaana wuxu ku yidhi: “kuwani waa saaxibadihii Khadiija.”

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo