Feminism ama haweenimo

 Feminism ama Dhadignimo waa urur ay aasaaseen Yahuuda oo lagu aasaasay dalka Maraykanka, waxaana loo aasaasay si ay haweenka caalamka maanka looga qabsado gaar ahaan haweenka muslimiinta.

Feminism ama Dhidignimo waxa ay ku doodaan on taariikhda waligeedba ay ahayd loolan u dhexeeyay ragga iyo dumarka, hiigsigeeduna yahay xureynta jinsiga dhadiga, waxayna u  olaleeyaan in gabadha ay colaad u qaado aabaheed, macalinkeeda, walaalkeed nina warkiisaba ha sheegin. Taas waxaa ku tusaalaynaa Nawal Al sacdaawi  (mulxidad ama Alle diid ayey ahayd) mar waraysi ay bixineysay ayaa la weydiiyay maxaad Alle u diidan tihiin? 

Waxa ay si cad ugu jawaabtay Allah waa nin! 

Feminism waxa ay diirada saaraan sidii gabdhaha muslimiinta maskaxda looga qabsan lahaa, xijaabka looga dhigi lahaa, qoyska looga burburin lahaa,  waxay ay u sameynayaan waa in naagta iyo ninkeeda la iska horkeeno kadibna ay soo baxaan fac fartii uu doono qoraayo oo edeb iyo anshax aanan lahayn. 


Sidee dumarka maskaxda ugu qabsadaan ururka feminismka. Sida caadiga waxaan ognahay in qofka bani'aadanaha waxa uu ku fekeraa laba meelood, caqliga iyo qalbiga oo waligoodaba isku lidi ah sababtoo ah qalbiga waxa uu ka fakaraa wixii caadifad ah ama dareen ah, halka caqliga uu ka fakaro wixii xaqiiqooyin ah ee u muuqda iyo wixii aayaha soo aadan saadaalinayo, oo midina waxa uu ka fikirayaa mustaqbalka halka kan kale uu ka fikiro waxa markaas hortaagan. Caqliga waxa ku fakiro oo ragga, halka dumarka ay ku fikiraan qalbiga.

Sidaa awgeed ayuu Allah ragga ugu dhiibay maamulka oo maxkamada maamul loogaga dhigay, oo masuuliyada loo saaray ragga, xitaa qofta dumarka hadii ay gaajooto iyo haddii ay dharagtaba uu ninka masuul kaga yahay oo aakhiro loo weydiinayo ninkeeda, aabaheed, walaalkeed ama ehelkeeda. Haweenayda badanaaba aayaha iyo mustaqbalka waxa ay la soo food leeyihiin kama fakaraan oo xil ba iskama saarto, halka ninka ragga ah uu xil iska saaro wixii soo marayna kaga gaashaanto si aysan mar badnbe ugu soo laaban, waa halka ay abaarayao maahmaahda soomaaliyeed ee ah "Rag bi' ka sheekeey dumarna baraarahood". Marka dajaal soo baxana dumarka waxa ay u raacayaan si ka badan sida ragga, mana aha dhaliil aan dumarka dhaliilayo ee waa dabciyada Eebbe nagu kala abuuray. Hadaba si ay feminismka u helaan ummad baaba' ah waxa ay weeraro ku qaadeen qalbigii haweenka waxa ayna ka dhaadhiciyeen in dhan kasta ragga cadaadis ka saarayaan. Qodobkaan marka aad la soo hadal qaado gabdhaha soomaaliyeed, waad ka dareemeysaa is difaacista waana wax ay ka barteen aflaamta feminismka buunbuunisa ka arkeen ama meelo kale loogu soo la qimay.


 Feminism ka waxa ay dab ka dhax shideen lamaanihii, oo waxay ka dhigeen mid dumarka u taliyaan guriga taladoodiina waxay noqotay in ragga ay banaanka keenaan oo haddii ay qabtaanba booliis ka ugu wacaan sida galbeedka ka jirtaba. Ururkan feminism ka waxay u sameeyeen si ay u dhisaan bulshada ay rabaan waxayna ka soo mareen dhanka dumarka waxayna faafiyeen aragtida ah; gabadha in ay ninka la tartamto shaqeysato gurigana ka soo baxdo ragga la baratanto, waxaa meesha ka dhalaneyso in guurka yaraado waatan maanta gaalada sidii ay isu la socdeen saaxiib saaxiib isaga dhaleen. Dhanka kale wadamada muslimiinta markii ay ka hor istaagi waayeen dhan kale ayaa loogu soo wareegay oo hanaankii guurka ayaa la qaaliyeeyay xaalada deegaankeena ka jirta doqon un baa moog.

 

 Hadaba ma ka jiraan ururkan deegaanadeena?

Ururkan waxaa si qulqulatayna ah loo soo dhax galiyo waana lagu guuleystay ayadoo la gabaadsanayo xoogaa xaqii dumarka oo si dhaqan ah loo duudsiiyay in loo soo dhicinayo. Ururkan feminism waxa ay gabdhaha kala dagaaleen in xijaabka iyo xishoodka waxayna leeyihiin oraah ah "الحجاب ضد الأخلاق" "xijaabka waxa uu ka soo horjeedaa akhlaaqda". Hadaba hadaan aragtidaan is dul taag ku sameyno gabadha xijaaban haddii aysan akhlaaq lahayn, ma waxaa akhlaaq leh mida aflaanta porn jisha mise mida Caasha qaawan mise mida xayaysiiska lagu sameysto mise tan laamiyada lagu gacma gacmeysto mise tan magaalaysatada ah!!!

Abshir Mohamed Tifow

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo