Shidaalka waa shayga ugu muhiimsan ee adduunka ku tiirsan yahay, tusaale ahaan shidaalka haddii uu qaaliyoobo waxaa qaaliyoobaya maraakiibta, diyaaradaha, doomaha, korontada, baabuurta, Isbitaalada, daawada iyo dhammaan wixii Elektaronik ku shaqeeya. Maadaama shidaalka sidaa oo dhan muhiim u yahay, muxuu ka sameysan yahay?; Culimmada sayniska waxa ay sheegaan in shidaalka ka sameysan yahay xaywaanaddii malaayiin sano ka hor dhintay lafahoodii, si kale haddaan u dhigno dhulka waxaa ku jira dheecaanadii iyo lafihii xaywaanaddii malaayiin sano ka hor dhintay, iyaga ayaa la soo bixiyaa si loo gubo, loo kala saaro dibna loogu isticmaalo. 


Aragti kale ayaa waxa ay leedahay shidaalka waxa uu ka samaysan yahay xaywaanaddii iyo geedihii malaayiin sano ka hor dhintay ee bada hoosteeda oxygen la'aan ku noqday, meesha ku qurmay, sidaasna ku noqday wax saliid camal ah oo jiidmaya. Muddo kadib waxyaabahaan waxa ay qulqul ku sameeyaan dhulka hoostiisa waxay isugu tagaan dhawr meelood oo dhulka hoostiisa kamid ah, jiquraafi ahaan ayuu dhulka ku kala geddisan yahay dhulka jiquraafi ahaan siman ayay badanaa isugu soo aruuraan waxyaabahaan, kadib ayagoo isku dheg-dhegan oo dareere adke oo kale ah ayaa la soo saaraa kadib inta la gubo ayaa waxa laga qabtaa shaqooyin badan waxaana laga soo saaraa basiinka, diesel-ka, shidaalka diyaaradaha, LPG-ga iyo kuwo kale oo badan. 


Shidaalka dhulka hoostiisa laga soo saaro, dhibic kamid ah beer-darro ma aha mana noqoto, sidaa darteed isbadal yar oo shidaalka ku imaado waxa uu saameyn ku leeyahy nolosheena. 


Sidaa darteed sicirbarar nuucee ah ayaa shidaalka ka jiro?; Sicirbararka eray ahaan waxa uu ka kooban yahay labo eray oo isku sidkan sicir iyo barar, wuxuu inoo tilmaamayaa in si guud ascaarta badeecadaha iyo adeegyadu ay sare u kacaan oo ay intii hore ka sare maraan. Si guud sicirbararka waxaa loo qaybiyaa labo nuuc oo kala ah; 


1. Hyperinflation (sicirbarar xad-dhaaf ah) waa marka sicirku si xawli ah xaddi ahaan uu kor ugu kaco in ka badan 50%.

2. Creeping Inflation (Sicirbarar Gurguurta) waa marka ascaarta badeecadaha iyo adeegyadu ay kordhayaan, laakiin si xawli leh uma socdaan. Ayada oo is la soo garanay shidaalka iyo waxa uu ka sameysan yahay iyo sicirbaraka, bal aan idin daayo jawaabta su'aasha sare ku xusan!


Source

1. Buugga Seeska Dhaqaalaha, page 156-165

2. Dhaqaalaha aduunka waxa uu ku jiraa qalqal annaga production

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo