Posts

Showing posts from September, 2021

Waxaad ogaataa hadal aad qof ku tiri in uu wax badan ka badali karo qofkaas noloshiisa.

10 june 2021 ilaa 11 sep 2021 waxaa ku dhaxayso mudo ku siman 3dax bilood iyo hal maalin Intaas waxaa fasax ka ahaa jamacada laakiin fasax kama ahyn waxbarashada, saaxiibkey Abdinasir Sulley   oo aan sanadkii hore markii aan fasaxa ka soo laabtay sheekaysanay anagoo markaas jamacada joogno ayaa waxa uu igu yiri Abshirow  saaxiib 3bil ee aan jaamacada fasaxa ahaay waxa aan bartay halka sano ee jaamacada ey daraasada socoto ma baran runtii ka ani ahaan hadalkaas waa i taabtay, walow aan fasaxaas wax un aan soo qabsaday, hada oo aan 3bil fasax ahaana waxaa tijaabiyay hadalkii saaxiibkey Suuley(u dhamaatay jaamacda sanadkaan), waxaana ii soo baxday inaan wax badan igu soo kordheen haday ahaato dhanka inaan buugaag akhriyay, dad cusub oo qiimo badan bartay, course cusub soo dhigtay, pre-reading inaan ku sameeyay 2maado oo kamid ah maadooyinka sanadkaan qaadan doono, inaan shaqadayda hormar ka sameyay iyo in kale. Waxaad ogaataa hadal aad qof ku tiri in uu wax badan ka badal...

Nolosha iyo dhirikeeda

 Dunidaan waxaad ku soo biirtay ayadoo aad ooynaysid dadka hareerahaagana ay faraxsan yihiin. Waxaa laguugu wacay qof kugu aadama, dhagta midig waa lagaaga aadimay tan bidixna waa lagaaga aqimay, kaliya waxa la sugayaa waa in laguugu tukado waxaa cajiib ah mudada aqimka iyo salaada inta u dhaxeyso yaraanteeda. Hadaba nolosheena ma inta u dhaxeyso iqaamada iyo aadaanka?  Hadey jawaabtu haa tahay maxaa nala gudboon? Wabilahi tawfiiq Abshir Maxamed 

Faa'idada laga helo u samafalka walaalidka

 U weys al-qarni wuxuu ahaa nin taabiciyq oo ku noolaa wadanka yamen, waxa uu ahaa nin hooyadii u baarri ah, waxa uuna sama-falkii hooyadii ku helay inuu noqdo qof ducada laga aqbalo, Samafalka hooyadii ayaana ka joojisay in uu Rasuulka NNKH u yimaado. Uways waxa ku dhacay xanuunka  baraska, kadibna illahay ayuu baryay : "Allow xanuunka iga kor qaad" Allena waa ka aqbalay, waanu ka bogsaday baraskii, in dirham la saaro oo qudha ayaa ku so dhahay. Rasuulka NNKH Cumar binu Khadhaab ayuu kula sii dardaamay inuu ka ducaysto Uweys, haddii uu la kulmo kanq dalbado inuu Alle dambi dhaaf u weydiiyo, halkaana wuxu ku gaadhay samafalka hooyadii. Uweys wuxuu ahaa nin saalix, dadkana aan laga dhax aqoon, kolkii la ogaadayna magaalada kuufa oo uu deganaa ayuu dhinac uga baxay dibna looma arag. Dulucda qisadaan: Qofkii raba liibaan adduunyo iyo mid aakhiro, ducadiisa oo kacda (la aqbalo), ha u samafalo waalidkiisa.  Wabilahi tawfiiq  Abshir Maxamed 

Dhacdo Taariikheed oo aad u xanuun Badan

 Tacaddiga iyo Xasuuqa baahsan ee dawlada xabashida u gaysatay Soomaali galbeed  Donalson Smith oo ah nin maraykan ah ayaa waxa uu booqday tuulada sasabane 1894, isaga oo warbixin siinaya Royal geographical society waxa uu yiri  'Waxaad qiyaasu kartaan calool xumadayda aan ka damqaday markaan maqlay maalmo yar uun kadib in ciidamada abbysinia ee hoos yimaada Mokonnen oo soo weeraray sasabane xoolahoodii oo dhana laga qaatay, gabdhihii iyo wiilashii adoonsi ahaan loo qafaashay, dadkii weynaana laga yeelay wax la dilay ama la xiniiyo siibay.(Fitzgibbon, 1982:23).  Dr Smith waxa kale oo warbixintiisa uu daray in qowmiyada Oromada iyaguna ay dhibaato ba'an oo bani aadanimada ka soo horjeeda lagu haayo sida soomaalida . (Fitzgibbon, 1982:23). Waqtigii xayle selassie sidoo kale shacabka Soomaali galbeed waxa lagu hayay cadaadis iyo caburin baahsan taas oo ka daran kii minilik . September 1948 ciidamada itoobiyaanku waxa ay si naxariis daro ah u laayeen shacab iyo masaakiin...

Sheeko xikmadaysan

Meel tuulo ah waxaa ku noolaa Aabo, 4wiil iyo gabar uu dhalay xoolana waxaa u joogay geel badan iyo ey xaafada u ilaaliyo  Maalin maalmaha kamid ah waxaa dhacday in eygii ay qolo burcad ah dilaan ka dib wiilashii waxa ay ka war heleen in eygoodii la dilay , aabahood ayeey u yimaadeen waxayna u sheegeen in eygii la dilay odaygii ayaa wiilashiisa ku yiri Ordaha soo dila raggii dilay eygiina!  Wiilashii ayaa la yaabay hadalka aabahood waxayna dhaheen aabo ey ley nagala dilee ee naga daa aabo odaygii waa uu ka aamusay  Waxa ay maalmaha is badalaanba waxaa  qoyskii laga afduubtay gabadhoodii !  Wiilashii gabadha la dhashay waxay u yimaadeen aabahood ayagoo wato agabkoodii dagaal waxayna ku yiraahdeen aabo gabadheena la afduubtay ayaan soo dhacsanaynaa, odayga ayaa wiilashiisa ku yiri nimanyahow i dhagaysta waxaad yeeshaan raggii eygiina dilay soo dila warkana meesha ayuu ku xiran yahay. Wiilasha oo yaaban ayaa waxay dhaheen war odayga ma waashay gabadheena ayaan kala...