Dhacdo Taariikheed oo aad u xanuun Badan

 Tacaddiga iyo Xasuuqa baahsan ee dawlada xabashida u gaysatay Soomaali galbeed 

Donalson Smith oo ah nin maraykan ah ayaa waxa uu booqday tuulada sasabane 1894, isaga oo warbixin siinaya Royal geographical society waxa uu yiri 

'Waxaad qiyaasu kartaan calool xumadayda aan ka damqaday markaan maqlay maalmo yar uun kadib in ciidamada abbysinia ee hoos yimaada Mokonnen oo soo weeraray sasabane xoolahoodii oo dhana laga qaatay, gabdhihii iyo wiilashii adoonsi ahaan loo qafaashay, dadkii weynaana laga yeelay wax la dilay ama la xiniiyo siibay.(Fitzgibbon, 1982:23). 

Dr Smith waxa kale oo warbixintiisa uu daray in qowmiyada Oromada iyaguna ay dhibaato ba'an oo bani aadanimada ka soo horjeeda lagu haayo sida soomaalida . (Fitzgibbon, 1982:23).

Waqtigii xayle selassie sidoo kale shacabka Soomaali galbeed waxa lagu hayay cadaadis iyo caburin baahsan taas oo ka daran kii minilik . September 1948 ciidamada itoobiyaanku waxa ay si naxariis daro ah u laayeen shacab iyo masaakiin ayagoo ayagoo ka soo horjeeday haysiga xabashida. Waxa magaalada jigjiga kaliya lagu dilay 25 qof .(Fitzggibon,1982:42). 

Xigasho. 

Gun iyo Gumeysi taariikhda NFD iyo Soomaali galbeed 1880-2016. Bog 56 57 ilaa 58 

Waxa aan dhacdadaan u saaqaatay waa in maanta ay madax ku sheega soomaalida ay itoobiya nooga dhigayaan walaal. Xabashidii shalay i xasuuqday dhulkaygana xoog ku qaadatay ayadoo ay garab ka helayso dowladaha gaalada ayaa maanta dakada barbara qoondo 19% ku leh dhulkii ay iga xoogtay ka sogow inta kale ku raadjoogta sidii ay gacanta ugu dhigi lahyd ayaa maanta la ileeyahay walaalaheen itoobiya 

Wabilahi tawfiiq 

Abshir Maxamed 

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo