Waxaad ogaataa hadal aad qof ku tiri in uu wax badan ka badali karo qofkaas noloshiisa.
10 june 2021 ilaa 11 sep 2021 waxaa ku dhaxayso mudo ku siman 3dax bilood iyo hal maalin
 
Intaas waxaa fasax ka ahaa jamacada laakiin fasax kama ahyn waxbarashada, saaxiibkey Abdinasir Sulley  oo aan sanadkii hore markii aan fasaxa ka soo laabtay sheekaysanay anagoo markaas jamacada joogno ayaa waxa uu igu yiri Abshirow  saaxiib 3bil ee aan jaamacada fasaxa ahaay waxa aan bartay halka sano ee jaamacada ey daraasada socoto ma baran runtii ka ani ahaan hadalkaas waa i taabtay, walow aan fasaxaas wax un aan soo qabsaday,
 hada oo aan 3bil fasax ahaana waxaa tijaabiyay hadalkii saaxiibkey Suuley(u dhamaatay jaamacda sanadkaan),
 waxaana ii soo baxday inaan wax badan igu soo kordheen haday ahaato dhanka inaan buugaag akhriyay, dad cusub oo qiimo badan bartay, course cusub soo dhigtay, pre-reading inaan ku sameeyay 2maado oo kamid ah maadooyinka sanadkaan qaadan doono, inaan shaqadayda hormar ka sameyay iyo in kale.
Waxaad ogaataa hadal aad qof ku tiri in uu wax badan ka badali karo qofkaas noloshiisa.
Mahadsanidiin saaxiibaday
Wabilahi tawfiiq 
Abshir Maxamed 
Comments
Post a Comment