Faa'idada laga helo u samafalka walaalidka

 U weys al-qarni wuxuu ahaa nin taabiciyq oo ku noolaa wadanka yamen, waxa uu ahaa nin hooyadii u baarri ah, waxa uuna sama-falkii hooyadii ku helay inuu noqdo qof ducada laga aqbalo, Samafalka hooyadii ayaana ka joojisay in uu Rasuulka NNKH u yimaado. Uways waxa ku dhacay xanuunka  baraska, kadibna illahay ayuu baryay : "Allow xanuunka iga kor qaad" Allena waa ka aqbalay, waanu ka bogsaday baraskii, in dirham la saaro oo qudha ayaa ku so dhahay.

Rasuulka NNKH Cumar binu Khadhaab ayuu kula sii dardaamay inuu ka ducaysto Uweys, haddii uu la kulmo kanq dalbado inuu Alle dambi dhaaf u weydiiyo, halkaana wuxu ku gaadhay samafalka hooyadii. Uweys wuxuu ahaa nin saalix, dadkana aan laga dhax aqoon, kolkii la ogaadayna magaalada kuufa oo uu deganaa ayuu dhinac uga baxay dibna looma arag.


Dulucda qisadaan: Qofkii raba liibaan adduunyo iyo mid aakhiro, ducadiisa oo kacda (la aqbalo), ha u samafalo waalidkiisa.

 Wabilahi tawfiiq 

Abshir Maxamed 

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo