Sheeko xikmadaysan
Meel tuulo ah waxaa ku noolaa Aabo, 4wiil iyo gabar uu dhalay xoolana waxaa u joogay geel badan iyo ey xaafada u ilaaliyo 
Maalin maalmaha kamid ah waxaa dhacday in eygii ay qolo burcad ah dilaan ka dib wiilashii waxa ay ka war heleen in eygoodii la dilay , aabahood ayeey u yimaadeen waxayna u sheegeen in eygii la dilay odaygii ayaa wiilashiisa ku yiri
Ordaha soo dila raggii dilay eygiina! 
Wiilashii ayaa la yaabay hadalka aabahood waxayna dhaheen aabo ey ley nagala dilee ee naga daa aabo odaygii waa uu ka aamusay 
Waxa ay maalmaha is badalaanba waxaa  qoyskii laga afduubtay gabadhoodii ! 
Wiilashii gabadha la dhashay waxay u yimaadeen aabahood ayagoo wato agabkoodii dagaal waxayna ku yiraahdeen aabo gabadheena la afduubtay ayaan soo dhacsanaynaa, odayga ayaa wiilashiisa ku yiri nimanyahow i dhagaysta waxaad yeeshaan raggii eygiina dilay soo dila warkana meesha ayuu ku xiran yahay. Wiilasha oo yaaban ayaa waxay dhaheen war odayga ma waashay gabadheena ayaan kala hadalnaye maxaa waaye eyga uu sheegayo, waxa ay isku qanciyeen in ay bal u yara kaadiyaan bal in ay wax isbadalaan iyo in kale.
Habeenkii xigay waxaa laga dhacay geelii oo subaxiiba waxay soo tooseen geelii oo aan fara lagu haynin, ayagoo yaaban ayaa waxa ay u yimaadeen aabahood waxayna u sheegeen in geelii xalay la dhacay !  Odayga inta uu ku qoslay ayuu yiri ordaha soo dila raggii eygiina dilay! 
Wiilashii waxa ay go'aan ku gaareen in ay qaataan hadalka aabahood waxa ayna soo dileen raggii eyga ka dilay!
Isla markiiba waxaa la isla dhaxmaray in ragaan walaalaha ah ay dileen raggii eygooda dilay.
Wax yar kadib waxaa xaafada yimid raggii gabadha afduubtay ayagoo gabadha wada !
Hadana waxaa xaafada yimid raggii geela dhacay oo geelii wado 
Ileen rag ey laga dilay haddii ay u aargudeen! Maxaa laga filaa in  walaashooda iyo geelooda dartiisa ay u sameyn karaan.
Sheekadaan waxaan ku keenay arinta hada taagan ee ikraan  haddii maalintii wasiir siraaji , ina Elman, Eng yariisow iyo in kale oo xaqdaro lagu dilay mar hore wax laga qaban lahaa malagu dheceen in dadkeena macno daro meelaha la isaga laayo.
Wabilahi Tawfiiq
Abshir Maxamed Tifow
Comments
Post a Comment