Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?


Dagaalka ka aloosan Dalka Ukraine waxa uu banaanka keenay munaafaqadda reer galbeedka iyo ninjecleysigooda, isagoo si cad u muujiyay arrimaha Beni Aadamnimada ee ay afka baarkiisa ka sheegtaan. 


Hadaba dagaalkaas intii uu socday waxyaabaha layaabka lahaa ee dhacay waxaa ka mid ahaa, in qaxootigii reer Ukraine loo soo dhaweeyay si ka diwan sidii ay u soo dhaweeyeen qaxootigii reer Ciraaq, Suuriya, Yaman, Falastiin iyo kuwo kale oo Islaam ah, arintaan ayaa buuq badan waxaa ka sameeyay bulshada Muslimka ah gaar ahaan kuwa Carbeed, mar falcelintii bulshada Carbeed uu baahiyay wargeyska caanka ah ee The Guardian, waxaa dadkii Faallada ka bixiyay ay ku jawaabayeen Suuriya waa naga diin duwantahay, nagana dhaqan duwantahay, balse Ukraine waa walaalaheen oo waa dal Yurub ah.


Halkaas markii ay taagantahay waxaa dagaalka ku soo biiray saxaafadda reer Galbeedka  wariye ka howlgala CBC NEWS oo Marekeynka laga leeyahay ayaa isaga oo si toos ah (Live) u tabinaya qaxootiga soo galayay dalalka dariska la'ah Ukraine, waxa uu sheegay in Shacabka Ukraine aysan aheyn sida kuwa Siiriya iyo Falastiin oo ay yihiin dad wax bartay horumarsan sida Yurub-ta, wuxuuna yiri isaga oo hadlaya "Ukraine dad caadi ah ma ahan, yaan la moodin sida Siiriya iyo Falastin waa dad horumarsan oo aqoon leh". 


Sidoo kale wariye Ka howlgala BBC-da oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa isna mar uu tabinayay barakaca dadka Reer Ukraine waxa uu yiri, "Waan ka xumahay in aan arko carruur timohooda Cadeysyihiin (Brown)  indhahoodana Buluugyihiin (Blue) ee ay sida arxan darrada ah diyaaradaha Putin u garaacayaan". 


Hadaba intaan oo dhan waxa ay dhacayaan innagoo u jeedna sida Hiil iyo Hooba loola garabtaaganyahay dadka reer Ukraine balse looga hagraday dadka Islaamka ah ay dowladabooda gacmaha reer Yurub ku bur-bureen.


Abdulkadir M. Sumar

Comments

Popular posts from this blog

Fariin walaaltinimo