Shidaalka waa shayga ugu muhiimsan ee adduunka ku tiirsan yahay, tusaale ahaan shidaalka haddii uu qaaliyoobo waxaa qaaliyoobaya maraakiibta, diyaaradaha, doomaha, korontada, baabuurta, Isbitaalada, daawada iyo dhammaan wixii Elektaronik ku shaqeeya. Maadaama shidaalka sidaa oo dhan muhiim u yahay, muxuu ka sameysan yahay?; Culimmada sayniska waxa ay sheegaan in shidaalka ka sameysan yahay xaywaanaddii malaayiin sano ka hor dhintay lafahoodii, si kale haddaan u dhigno dhulka waxaa ku jira dheecaanadii iyo lafihii xaywaanaddii malaayiin sano ka hor dhintay, iyaga ayaa la soo bixiyaa si loo gubo, loo kala saaro dibna loogu isticmaalo.  Aragti kale ayaa waxa ay leedahay shidaalka waxa uu ka samaysan yahay xaywaanaddii iyo geedihii malaayiin sano ka hor dhintay ee bada hoosteeda oxygen la'aan ku noqday, meesha ku qurmay, sidaasna ku noqday wax saliid camal ah oo jiidmaya. Muddo kadib waxyaabahaan waxa ay qulqul ku sameeyaan dhulka hoostiisa waxay isugu tagaan dhawr meelood oo dhu...
Posts
Showing posts from March, 2022
Feminism ama haweenimo
- Get link
- X
- Other Apps
 Feminism ama Dhadignimo waa urur ay aasaaseen Yahuuda oo lagu aasaasay dalka Maraykanka, waxaana loo aasaasay si ay haweenka caalamka maanka looga qabsado gaar ahaan haweenka muslimiinta. Feminism ama Dhidignimo waxa ay ku doodaan on taariikhda waligeedba ay ahayd loolan u dhexeeyay ragga iyo dumarka, hiigsigeeduna yahay xureynta jinsiga dhadiga, waxayna u  olaleeyaan in gabadha ay colaad u qaado aabaheed, macalinkeeda, walaalkeed nina warkiisaba ha sheegin. Taas waxaa ku tusaalaynaa Nawal Al sacdaawi  (mulxidad ama Alle diid ayey ahayd) mar waraysi ay bixineysay ayaa la weydiiyay maxaad Alle u diidan tihiin?  Waxa ay si cad ugu jawaabtay Allah waa nin!  Feminism waxa ay diirada saaraan sidii gabdhaha muslimiinta maskaxda looga qabsan lahaa, xijaabka looga dhigi lahaa, qoyska looga burburin lahaa,  waxay ay u sameynayaan waa in naagta iyo ninkeeda la iska horkeeno kadibna ay soo baxaan fac fartii uu doono qoraayo oo edeb iyo anshax aanan lahayn.  Side...
Fariin walaaltinimo
- Get link
- X
- Other Apps
 . Ayadoo aan la socono in uu jiray tartan u dhaxeeyay Xildhibaan iyo wasiiru dawlaha wasaarada cadaalada Yuusuf Gama'diid oo ah Xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka Himilo Qaran iyo Korneyl Isxaaq Cali Cabdule oo ahaa shaqsi booliska Soomaaliyeed wax badan ka soo shaqeeyay, intii lagu hawlanaa ololaha doorashada labada dhinacba waxa ay lahaayeen labada nin dad taageerayaal ah oo la dhacsanaa qorshayaasha ay kala wateen. Aydoo ay intaas jirto waxaa dheer in kursiga uu hal yahye Jijeele  uusan meelna ka soo qooyin tiradooda. Ayadoo ay intaas jiraan hadane waxaa xuso mudan in ragga tartamaayay iyo ragga ololaha labada dhinac la kala safnaa ay wax un Soo kala gaareen sidaa darteed waxaan ku talinaa  1. Waxa lagu loolamaayay waa hal kursi suurta galna ma ahayn in Gama'diid iyo Isxaaq ku wada fariistaan, tartanka marka lagalana waa in qof soo baxaa kuu ahaadaba, horeyaa soomaalida waxa ay ugu maahmaahday "Gari laba qof kama wada qosliso". 2. Gama'diid iyo Isxaaq waa la...
Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?
- Get link
- X
- Other Apps
Dagaalka ka aloosan Dalka Ukraine waxa uu banaanka keenay munaafaqadda reer galbeedka iyo ninjecleysigooda, isagoo si cad u muujiyay arrimaha Beni Aadamnimada ee ay afka baarkiisa ka sheegtaan.  Hadaba dagaalkaas intii uu socday waxyaabaha layaabka lahaa ee dhacay waxaa ka mid ahaa, in qaxootigii reer Ukraine loo soo dhaweeyay si ka diwan sidii ay u soo dhaweeyeen qaxootigii reer Ciraaq, Suuriya, Yaman, Falastiin iyo kuwo kale oo Islaam ah, arintaan ayaa buuq badan waxaa ka sameeyay bulshada Muslimka ah gaar ahaan kuwa Carbeed, mar falcelintii bulshada Carbeed uu baahiyay wargeyska caanka ah ee The Guardian, waxaa dadkii Faallada ka bixiyay ay ku jawaabayeen Suuriya waa naga diin duwantahay, nagana dhaqan duwantahay, balse Ukraine waa walaalaheen oo waa dal Yurub ah. Halkaas markii ay taagantahay waxaa dagaalka ku soo biiray saxaafadda reer Galbeedka  wariye ka howlgala CBC NEWS oo Marekeynka laga leeyahay ayaa isaga oo si toos ah (Live) u tabinaya qaxootiga soo galayay dalalk...