"si aad u muujisid karamadaada, buurtaas yar kala jeex oo sii mar oo soo mar"


qarnigii 11aad ilaa 12aad miilaadiga waxaa dhulka soomaalida yimid culimo mutacalimiin oo diinta islaamka si fiican u yaqaanay oo ka mid ahaayeen sheekh yuusuf al-kownayn, sheekh fiqi cumar iyo sheekh isxaaq, si ay barashada qur'aanka u xoojiyaan maadaama dadka soomaaliyeed oo muslimiin ahaa aan ay si fiican u aqoonin luuqada carabiga ee quraanka ku qoron yaha

sheekh yuusuf al-kownayn baa dadka soomaaliyeed ka caawiyay, oo u fududeeyay hingaadda iyo akhriska quraanka kariimka ah. sida taariikhyahano muslim ah laga maqlay sheekh yuusuf baa dhogor, 40km bari ka xigta hargaysa, ka furay dugsi quraankii ugu horeeyey soomaalida dhexdeeda. dadka wax'ay sheekha u yaqaanaan ama ugu yeedhaan aw barkhadleh, magacii tuuladdii dhogor na waxa loo bedelay aw barkhadleh, oo sheekhii ku aasan yahay. qabrigiisa na aad baa loo xurmeeyaa oo sannad walba soomaali badan baa booqata.

waxaa jirta aad loo rumeysan yahay oo odhanaysa in uu jiray yuhuudi falalow ahaa oo la odhan jiray bucur bacayr oo dhogor degganaa kahor imtaxaanka sheekh yuusuf al-kownayn.

bucur baa faafin jiray diinta diinta yahuudda, dadku na moodayeen in uu faafinayay diinta islaamka, oo waa ka haybeysan jireen. sheekh yuusuf markuu ogaaday sharkii bucur buu agtiisa soo degay, dadkiina ka wacdiyay oo uga digay sharta ninkan. bucur waxuu sheekhii ku yidhi, "meeshii ina ma wada qaaddee, meel kale u guur", sheekhiina waa ka diiday. kaddib na muran kulul baa ka dhex dhacay labadoodii, dad badani na waa ku soo uruureen oo dhagaysteen wax'ay labada shakhs isku hayeen. waxaa la sheegay in bucur sheekhii ku yidhi, " si aad u muujisid karamadaada, buurtaas yar ka la jeex oo sii mar oo soo mar" . sheekhu malaha ma rabin in uu sixirlowga war kiisa maqlo, oo waxaa la sheegay in uu asagii ku geddiyay oo ku yidhi, "adigu sidaas yeel" . bucur sidaa buu yeelay; buurtii baa kala dilaacday oo markuu marayay dillaaca dhexdiisa, ayaa sheekh yuusuf al-kownayn cuskaday magaca alle , oo buurtii qafilantay. halkii baa bucur bacayr ku aasmay oo aan dib loo arkin, warkiisa dambena loo maqlin

xogtaan waxaan ka so xigtay buuggtay  "taariikhda soomaalida xog ogaalnimo u badan"

dhacdada taariikheed ee sheekada(ninka yahuudiga iyo sheekh yuusuf al-kownayn dhexmartay) ku jirta inta ay aqoontayda yar gaarsiisan tahay wali meel kale kuma arak  haddii aad akhriste adiga hayso buugaag ama qoraalo kale oo dhacdadaan sugaya fadlan ila wadaag.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo