Diinta Insaaniyadda iyo Ilaahaynta dadka!
Diinta Insaaniyaddu (Humanism) waa mid ka mid ah diimaha gacankurimiska ah ee aadanuhu samaysteen (الأديان الوضعية), ifafaalaheedii u horreeyay goorta uu soo bilowday muran badan baa ka jira, sababtuna way caddahay oo, fikir kasta marka uu samaysmayo inta uusan sal muggii ku gabangaabsan wuxuu soo maraa heerar kala duwan oo gadaal laga ogaado in ay fikirkaan saansaan u ahaayeen. Dhanka kale, sooyaalka erayga (Humanism) iyo macnaha ballaaran ee uu maanta xambaarsanyahay ayaa mid weliba si gaar ah looga taariikheeyaa, eraygu gaar buu u jiray, macaanida uu watana midba mar ayay bilaabatay, goorta labadooda la isku rarayna waa taariikh saddexaad.
Dadka lagu tiriyo in ay yihiin aasaasayaasha macaanida Insaaniyadda waxaa ka mid ah Immanuel Kant (1724 – 1804), Eray ahaanna waxaa la sheegaa in Friedrich Niethammer uu yahay ninkii u horreeyay ee magacaas (Humanism) adeegsaday 1808-dii, inkasta oo uusan asagu markaas diin ahaan ula jeedin, ee uu ka rabay hab cusub oo waxbarasheed oo uu doonayay in uu da’yarta ku barbaariyo, gadaal ayayse diin ka noqotay sida aan arki doonno.
Isla qarnigaas 19aad iyo kii 20aad ayay Insaaniyaddu cirka isku shareertay, raggii xilligaas hormuudka u noqdayna waxaa ka mid ahaa faylasuufkii ingiriiska ahaa F. C. S. Schiller (1864 – 1937).
1933-kii ayay Insaaniyiinta oo ay hor boodayaan Roy Wood Sellars, iyo Raymond B. Bragg waxay soo saareen bayaankoodii 1aad, kaas oo ay si dhab ah ugu dhawaaqayeen in Insaaniyaddu tahay diin cusub oo ka madaxbannaan diimihii hore ee Ilaaha aamminsanaa. Bayaankaas oo ay saxiixeen soddon iyo dhawr qof, ayaa waxaa ku jiray 15 qodob oo ah afkaarta diineed ee ay aamminsanyihiin dadka diinkaan cusub haysta. Qodobbadaasi waxay ku kala saabsanaayeen fikirka ay ka aamminsanyihiin dabiicada, qaabka Insaanku dunidaan u yimid, habka ogaalka, akhlaaqda, diimaha, hormarinta nafeed, xorriyadda, caddaaladda Iwm. Sidaas ayay Insaaniyaddu ku noqotay diin cusub, oo ka mid ah diimahaas tirada badan ee caalamka ka jira.
Intaa wixii ka dambeeyay waxay si isdabajoog ah usoo saarayeen bayaanno tiro badan, sida kii ay soo saareen 1973-kii ayaga oo uu hoggaaminayo aabbaha diinta Insaaniyadda Paul Kurtz, bayaankaas oo ka koobnaa 17 qodob oo qodobbo diineed ah. Ama bayaankii ciwaankiisu ahaa “Humanism and Its Aspirations” ee la soo saaray 2003-dii. Saddexda bayaanba waxaad ka akhrisan kartaa webka jamciyadda American Humanist Association.
Diintaan ciidaheeda waxaa ka mid ah:
1. Maalinta Insaaniyadda adduunka 21 June.
2. Maalinta Darwin 12 Feb.
3. Maalinta xuquuqda Insaanka 10 Dec
Maxay aamminsanyihiin?
1. Waxay aamminsanyihiin in uusan jirin wax Ilaah la yiraahdo.
2. Ilaaheynta Insaanka: Insaanku booskii Ilaahey ayuu galay, wax walba Insaanka ayay ka bilowdaan kuna dhammaadaan, asaga ayaa ah xuddunta (Centerka) wax walba miisaankooda loola soo laabanayo.
3. Wax aakhiro iyo nolol dambe la yiraahdo ma jiraan, noloshu waa tan adduunka oo keliya.
4. Yoolka koobaad ee aan u noolnahay waa qurxinta iyo dhisidda dunida, ayadaas ayaa wax walba ka horraysa. (Qodobkii 3aad ayuu soo hoos galayaa)
5. Waxaa walaalkood ah qof kasta oo [aragtidooda] aan aadanaha dhib ku hayn, diintii uu doonto ha sheegtee (Alwalaa’). Waxaana cadawgooda ah qof kasta oo [aragtidooda] aadanaha dhib ku haya (Albaraa’).
6. Wax walba oo aad samayso xor ayaad u tahay marba haddii aadan cidna ku xadgudbayn. Halka dambi ee diintaani dambi u aqoonsantahay waa inaad cid kale dhibaatayso.
(Labadaan qodob ee dambe waxay soo hoos galayaan qodobkii 2aad)
Qeexitaannada Insaaniyadda lagu qeexay waxaa ka mid ah:
Midka uu ku qeexay Walter Lippmann kitaabkiisa Preface to Morals: “Insaaniyaddu waa habnololeed uu qofkii qaataa aamminayo inay qasab tahay in Insaanku u noolaado si doonistiisa waafaqsan, wixii uu farxad ka helayana uu sameeyo, si ka madaxbannaan doonista Ilaahey”
Sidoo kale, qaamuuska ingiriisiga ah ee Merriam-webster wuxuu ku qeexay: “Caqiiddo, habdhaqan, iyo qaabnololeed ku salaysan waxa Insaanku rabo”.
Sida aad u jeeddaba, Insaaniyaddu waa diin kabkab ah, afkaartoodu waa afkaar midba mad’hab laga keenay, Liberalism, Secularism, Atheism, Darwinism, Iwm.
Diinta Insaaniyadda dadkeenna qaar ka mid ah ayaa aamminsan, kuwo ogaal ku aamminay iyo qaar ay ogaal la’aan ku gashayba.
Tusaaleyaal:
1. Waxaan aragnaa dad af cad ku dhahaya: “Qofku waa u xor wixii uu doono in uu sameeyo, marba haddii uusan cidna ku xadgudbaynnin” Waa aragtidii Insaanka Centerka ka dhigaysay, ee Ilaahey aan wax jiraba u aqoonsanayn. Xaq Ilaahey inaad ku xadgudubto ma kala jecli, ee inaad xaq aadane ku xadgudubto ayaa daran!
Sidoo kale waxaan aragnaa dad markii xudduudda sharciga ah laga hadlayo, qaybta xaq aadane la xiriirta sida (gacangoynta tuugga, toogashada Iwm) oggol, balse diidaya qaybta xaq Ilaahey keliya la xiriirta sida (xadka sinada, cuquubada riddada Iwm). Sababta oo ah, qofka wax xaday ama qof dilay INSAAN ayuu ku xadgudbay, balse kan gaaloobay iyo kan sinaystay cidna wax uma aysan dhimin! Dadkaasi ma aamminsana wax la dhaho “Macruuf la is faro, iyo munkar la iska reebo”.
2. Waxaan aragnaa dad dhahaya: “Gaaladu marba haddii aysan cidna waxyeelayn waa walaalahay, ayaga ayaana iiga dhow kan Muslimka ah ee dadka laaya” sidaa darteed gaal dhintay in Allaha u naxariisto la dhaho waa caadi, balse “Axmad Godane Allaha u naxariisto” in la dhaho waa jariimo!! Soo xusuuso qodobkii “Walaa’ wal baraa’.”
3. Waxaad arki kartaa dad badan oo aamminsan in haddii dalku horumar iyo dhaqaale adduun helo aysan muhiim ahayn diinta dadka in laga fekero! Waayo hadafka aan u joogno waa qurxinta iyo dhisidda dunida ee ma ahan Cibaado!
4. Waxaan aragnaa, gabar Muslimad ah oo nin gaal ah guursatay dad u hambalyeynaya oo dhahaya: “Muhiimaddu waa in ay isku faraxsanyihiin” Waayo farxadda Insaanka iyo ladnaantiisa ayaa asal u ah wax weliba.
Intaas ayaan ku soo koobayaa, waxaase muhiim ah in aadan isku khaldin diinta Insaaniyadda iyo ficillada “Insaaniga” loo bixiyay, sida: samafalka, naxariista, turriinshaha Iwm. Waa labo arrimood oo aan shuqul isku lahayn, wayna dhacdaa in marar badan laguugu soo gabbado oo lagu dhaho “Ma arrimaha bini’aadannimada ayaad ka soo horjeeddaa?” ayada oo la doonayo in diinta Insaaniyadda laguu dusiyo. ⁶
ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ
¹. Humanist Manifesto I.
². Humanist Manifesto II.
³. Humanist Manifesto III
⁴. Sida laga arki karaba loogada jamciyadda American Humanist Association dhankeeda hoose “Good without God”
⁵. Sida ay jamciyadda British Humanist Association halqabsiga ka dhigatay “For one life we have”.
⁶. Macluumaad intaas ka dheeri ah qofkii doonay wuxuu u laaban karaa kitaabka الإنسانوية المستحيلة
Xigasho Daud Ali
Comments
Post a Comment