Aragtida ogaalka

 Aragtida ogaalka [12]

Diinta iyo caqliga.Aragtida ogaalka [12]

Diinta iyo caqliga.

Falsafadda iska horkeenidda diinta iyo caqliga, ayada oo ay la socoto indho liidni oo diinta lagu eegayo, iyo indho weyneyn oo caqliga lagu fiirinayo, waa falsafad galbeedka ka soo bilaabatay qarnigii 18-aad agagaarkiisa, casrigii ay u baxsadeen casriga “Caqliga” ama casriga nuurka “عصر التنوير”. Annaguna sidii caadiga ahayd waan soo qaadannay, sidatoo aan isku diin nahay!

Haddaba maxaa ka khaldan doodaha sheegaya in diintu caqliga ka soo horjeeddo?

Waxaa ka khaldan qodobbada soo socda:

1. Isku qabashada diimaha kala duwan: qodobkaan mulxiddiinta ayaa u badan, wuxuu si fudud u dhahayaa “Diimuhu caqliga ayay ka soo horjeedaan” Tusaalahana wuxuu ka keenayaa diinta Kirishtaanka! 

2. Kalasoocis la’aanta “Waxa caqligu diido= محالات العقول” iyo “waxa uu ku dayoobo=محارات العقول” labadaasi waxa ay kala yihiin meel hore ayaan ku soo faahfaahinnay. 

3. Isburinta iyo waddo qabsi la’aanta: waxaad arkaysaa qof aamminsan “In aan caqliga lagu kalsoonaan karin, ama aamminsan in caqligu uusan miisaan lahayn, qof walbana sidii uu wax u arko ay sax u tahay, ayna khalad tahay in lagu qabsado!” Misna ku dhahaya “xaddiiskaan caqliga ayuu ka soo horjeedaa” oo caqligee ka hadlaysaa? Sow adigii na yiri “Caqligu miisaan ma leh?”

4. Naqdinta xaddiis ama aayad aanan si saxan loo fahmin.

5. Kala saaris la’aanta waxa “Caadadu diidayso” iyo “Waxa caqligu diidayo” tanna horay baan uga soo hadalnay. Haddiise aan tusaale ka bixinno labadaan qodob (4aad iyo 5aad), Dawkins —oo sidaan Silsiladdii (Ilxaadka cusub) ku soo sheegnay ka mid ah afarta gaandheri ee Mulxiddiinta— ayaa asaga oo Muslimiinta ku jeesjeesaya yiri: “Waa dad aamminsan in Muxammad [scw] uu faras baalal leh ku duulay oo samada ku aaday” yacni wuxuu ka wadaa “Sidee faras baalal ku yeelan karaa? Waa wax caqligu diidayo!” 

Marka koobaad waxaa haysata fahanxumo ku aaddan qaabka ay Muslimiintu u aamminsanyihiin dhacdadaas. Muslimiintu ma aamminsana in nebigu scw lahaa awood u gaar ah oo uu faraska baalal ugu yeeli karo, sidoo kale ma aamminsana in farasku mararka qaar baalal iska yeelan karo, ee arrintaani waxay ku dhisantahay rumaynta ay Allaah iyo awooddiisa rumaysanyihiin, waxaan aamminsannahay in Allaah wax walba awoodo, sidaa darteedna aysan waxba ku ahayn in uu abuuro xayawaan faraska u eg oo baalal leh, illeen faraskaba asaga ayaa afarta lugood u yeelaye. Taasi waa qodobkii 4aad ee fahanxumada ahaa.

Dhanka kale, isla dhacdadaan, waxaa ku jira wax caado-diidday ah, balse aan caqli-diid ahayn. Haddaanba ka soo qaadno xayawaankii nebiga scw lagu qaaday in uu faras caadi ah ahaa, farasku caado ahaan ma duulo, balse caqli ahaan qodob caqli ah oo dhahaya “Faras ma duuli karo” ma jiro. Mucjisaadka nebiyaduna waa wada sidaas, caadada ayay ka baxsanyihiin, ee caqliga kama baxsana. 

Tusaale kale oo caqliga iyo caadada ku saabsan haddii aan sii raaciyo. Waxaa ishkaal laga keenaa doontii nebi Nuux scw, waxay dheheen: “Sidee ayay doontu xayawaannada adduunka oo dhan u qaadday? Sidee ayuu Nebi Nuux scw usoo wada uruuriyay xayawaannada adduunka ku kala firirsan? Sidee ayaa xayawaannada iscunaya loo kala ilaaliyay oo hal doon loogu wada raray? Biyo iyo cunto halkee looga keenayay? Sidee ayaa xayawaannadaas kala duwan loogu helay deegaan noloshooda ku wada habboon?”

Balse, Su’aalahaasi waxay meesha imaan lahaayeen markii aan aamminsannahay in waxaan oo dhan qof bashar ahi sameeyay, balse hadda waxaan aamminsannahay in waxaan uu Ilaahey sameeyay, qaab mucjiso ah ayayna ahaayeen waxa dhani oo caadadii la yaqaannay ka baxsan, su’aalahaas isweyddiintoodu waxba kama duwana adigoo isweyddiiyay “Sidee dhulka iyo cirku hal mar biyo usoo wada daayeen? Sidee nebi Nuux scw ku ogaaday in biyo daad ahi soo socdaan?” Qof aan jiritaanka Ilaahey iyo awooddiisa rumaysnayn lagama dhaadhicin karo in waxaan Ilaahey sameeyay, waayo waxa keliya ee uu ku xisaabtamayo waa qaanuunka koonkaani ku socdo, ee kuma xisaabtamayo Allihii qaanuunkaan sameeyay in uu markuu doono wax ka beddeli karo.

Intaani waa meelaha ugu waaweyn ee laga keeno doodda ah in ilaha ogaalku iska hor yimaadaan. Waxaa jirta in dadka qaar ku doodaan iska hor imaatinka caqliga iyo sayniska, gaar ahaan Quantum mechanics-ka iyo caqliga. Dooddaas mulxiddiinta ayaa keenay si ay caqliga uga qaadaan misdaaqiyada in wax laga ogaan karo ah, ka dibna ay u macne beesho adillada caqliga ah ee jiritaanka Alle ku saabsan.

Dooddaas culimada Islaamka ee casrigaan aad bay uga jawaabeen, waana wax lala yaabo in qofku marna sayniska iyo caqliga dhankooda is xijiyo, marna ku andacoodo in ay is burinayaan! Ragga arrintaas jawaabaha waafiga ah ka bixiyay waxaa ka mid ah Dr. Saami Caamiri.

Meelaha ay iska hor-imaadka ku sheegaan waxaa ka mid ah khabarka dhexdiisa, gaar ahaan diinta dhexdeeda. Taasna waa mawduuc ballaaran oo lagu diraaseeyo cilmiga usuulu-fiqiga, baab dhan ayuu cilmigaas ku leeyahay oo lagu barto sida loo kala hago nusuusta la moodayo in ay iska hor imaanayso. (التعارض والترجيح). 

Mahadsanidiin.

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo