Adiga oo aan wax safar ahi kugu jirin oo negi, ayaad xalay gurigaaga seexatay, subixii ayaad barqo kulul soo kacday, waxaad is aragtay adiga oo saaran bas aad u dheeraynaya, waad is taataabatay bal in ay wuxu riyo yihiin iyo inkale, mise wallaahi waa run, riyo warkeed ma jiro.
Hareerahaaga ayaad fiirisay, dad aad u tiro badan ayaa baska kula saaran, caddaan, madow, eeshiyaan, nooc kasta ayay leeyihiin. Midba hawl gaar ah ayuu ku jiraa. Mid baa wax dhegeysaya, mid labaad baa wax akhrinaya, mid baa kuraasta u dhow dadka fadhiya la sheekaysanaya, mid baa kuwaas agtooda game ku ciyaaraya, mid baa iska hurdaya.
Basku cabbaar markii uu socdaba wuu istaagayaa, dad baa lala degayaa, dadkaas lala degayo badankood raalli kama ahan dejintaas, dadka baska saaranna wax war ah kama keeni karaan dadkaas lala degayo, way ka murgayaan oo keliya, hadba mid kuu dhowaa ayaa lala baxayaa.
Adigu waad wareersantahay, waxaad isweyddiinaysaa su’aalo ay ka mid yihiin “Baskaani muxuu yahay? Anigase yaa isoo saaray? Sababta la ii soo saarayna maxay tahay? Xaggee buu ka yimid? Xaggee buu u socdaa? Dadkaan yaa la degaya? Xaggeese xaggee loo wadaa? Ma hal meel baa gebigood la wada geynayaa? Mise meelo kala duwan?” Iwm.
Si degdeg ah ayaa waxaad u ogaatay in dadka oo dhani kaala mid yihiin in ay is arkeen iyagoo baska saaran, mid go’aankiisa iyo taladiisa ku soo raacayna uusan jirin! Aad baad ula yaabtay! Su’aalahaagii ayay mid kale kuugu dareen, waxaa isleedahay “Dadku caqli xumaa? Subax iyagoo isku dhex arkay bas ordaya miyay hurdadii ku ceshteen? Oo su’aalba isma weyddiinayaan miyaa?”
Adiga oo kuwii la yaabban ayaad aragtay kuwo kursi agtaada ah ku qayilaya, oo isweyddiinaya “Tolow baskaan ma cid wadda ayaa jirta mise wuu iska ordayaa? Dadkaan iyagoo aan rabin in la dejiyo baska laga reebayo ma cid baa dejinaysa? Mise iyaga ayaa khiyaarkooda ku degaya?!! Annaga ma cid baa na soo saartay baska mise annaga ayaa si kedis ah ku soo kornay? Laamigaan high-way-ga ah ee basku ku ordayo ma cid baa dhistay mise isaga ayaa si kedis ah u dhismay? Gaariga laftiisa ma cid baa motoorka, taayirrada, kuraasta, iyo waxaan u yeeshay mise way iska samaysmeen” Mid gadaashooda sigaar ku cabaya oo isagu aan su’aalahaaga iyo kuwooda midna isweyddiinayn ayaa leh: “Wacdalla nimankaanu maankooda ayay ka shaqaysiiyeen, su’aalo fiican bay isweyddiiyeen!!” Adigii su’aalahaagii intaad iska illowday ayaad isweyddiinaysaa “War kuwaan xaggee buu basku ka soo qaaday acuudkee? Alla kuwaan meel laga keenay show fogaa!”
Adduunyadaan korkeeda ayaan isku aragnay annaga oo lugaheenna ku soconna oo nool. Su’aalaha caqligalka ah ee nala ka rabo in aan isweyddiinno waa “Adduunyadaani maxay tahay? Yaa na keenay? Maxaa naloo keenay? Sidee ku nimid? Xaggeese u soconnaa?” Iwm.
Annaga oo aan ku dhibtoon ayaa naloo qaybiyay kitaab (Quraan) ay ku qoranyihiin jawaabaha su’aaleheennii oo dhan, weliba dadka qaybinaya waa dad si iskaa wax u qabso ah u shaqaynaya, luqadda uu ku qoranyahay haddii aadan garanayn iyaga ayaa luqadda ku baraya ama kitaabka kuu tarjumaya.
Waxaad isweyddiinaysaa “Ma weligeed bay dadku sidaan dunida ugu noolaayeen? Mise dib baa laga keenay?” Quraanka ayaa ku dhahaya:
﴿هَل أَتى عَلَى الإِنسانِ حينٌ مِنَ الدَّهرِ لَم يَكُن شَيئًا مَذكورًا﴾ [الإنسان: ١]
Waqti aan magaca “Insaan” oo dhanba la aqoon ayaa jiray.
Oo waa yaabe “1. Yaa i keenay? 2. Sidee ku imid? 3. Maxaase la ii keenay? 4. Maxaanse kaashanayaa si aan uga soo dhalaalo wixii la ii keenay?” Afartaas su’aal ayuu Ilaahey swt jawaabtoodu isu kaa raacinayaa isagoo og baahida degdegga ah ee aan u qabno.
﴿1. إنا خلقنا الإنسان 2. من نطفة أمشاج 3. نبتليه 4. فجعلناه سميعا بصيرا... إنا هديناه السبيل﴾[الإنسان: ٢-٣]
Ilaahey baa ku keenay, biyo lab iyo dheddig la isku daray baad ka timid, in lagu imtixaano ayaa laguu keenay, aaladduna waa maqal, arag oo aad kitaabkaan waxa ku qoran ku maqasho kuna aragto.
Dadkaani ma isku mid baa? Markii baska laga dejiyose ma isku meel baa la geynayaa? Haddii meelo kala duwan la geynayo maxay kala yihiin meelahaasi?
﴿... إما شاكرا وإما كفورا﴾ [الإنسان: ٣]
Dadku waa labo nooc: 1. qaar kitaabkaan lacag la’aanta lagu qaybinayo iska diiday. Diiday in ay maskaxdooda ka shaqaysiiyaan oo su’aalo isweyddiiyaan, oo baska iska saaran. 2. Iyo qaar maskaxda ka shaqaysiiyay, kitaabkii markay ka heleen jawaabaha su’aalahoodiina hagitaankii kitaabka raacay.
Xaggee bay ku kala dambaynayaan marka baska laga dejiyo? Waa janno iyo naar.
﴿إنا أعتدنا للكافرين سلاسل وأغلالا وسعيرا... إن الأبرار يشربون من كأس كان مزاجها كافورا﴾ [الإنسان:٤-٥]
Shan aayad ayaa lagugu soo koobay jiritaankeennii ka hor, imaanshaheennii koobaad, macnaha jiritaankeenna, aaladda yoolkeenna na gaarsiinaysa, qaybaha dadka, iyo mid kasta meesha u dambaysa! Intaasi waa gargaar degdeg ah (First aid) oo Quraanku jawaab naga siinayo su’aalo uu Ilaahey ogyahay in ay maskaxdeenna miranayaan. Kitaabka aayadihiisa kale haddii aad sii akhriso waxaad si dhab ah u fahmaysaa nafsaddaada, macnaha aad u nooshahay, dunida iyo dadka kugu xeeran, iyo dhammaan su’aalaha qof fiyoobi isweyddiin karo.
Marka aad adduunyada u fahanto sida baskaas, waxaad ogaanaysaa dhawr arrimood:
1. Waxaad kala baranaysaa su’aalaha loo baahanyahay in la isweyddiiyo, iyo su’aalaha stupidka ah.
2. Waxaad kala garanaysaa cidda sida dhabta ah maskaxda uga shaqaysiisa, iyo cidda baska turubka ku dhex ciyaarta.
3. Waxaad ogaanaysaa in Quraanku yahay kitaab uu ku qoranyahay dishabbiliinka adduunkaan loogu noolaanayo, wixii nidaamkiisa khilaafsanna ay adduunjoogxumo yihiin.
4. Waxaad ogaanaysaa in samafalayaasha abaalka ugu weyn nagu leh ay yihiin rususha, ka dibna culimadii kitaabkaan na soo gaarsiiyay si aan uga baxno wareerka weyddiimaha.
5. Waxaad ogaanaysaa in horumarka adduun uusan ahayn wax weyn oo cid lagu ammaano, ee uu la mid yahay qof baska alaab-alaabey ku dhex samaystay, oo ku baashaalaya. لعب ولهو
“Quraankaani wuxuu dadka ku hagayaa dawga ugu qumman.” Israa’ 9.
{إن هذا القرءان يهدي للتي هي أقوم...} [الإسراء ٩]
Daud Ali
Comments
Post a Comment