Soo koobida buuga Kalahaadkii Muqdisho

 Buugan waxa uu ka hadlayaa xasuusihi sokeeye ee Soomaaliya 1991 

Waxaa qoray Yuusuf Maxamed Xayd waxa uu soo noqday Agaasimiha Radio Muqdisho, Agaasimaha telefeshinka qaranka Soomaaliyeed, Agaasimaha qorsheynta iyo tababarrada ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliyeed, iyo xilal kale oo badan oo soo qabtay qoraaga 

Buugan waxa kawdii hore uu ku qoray afka Ingiriisiga waxaa tarjumay Boodhari Warsame 

Qoraaga waxa uu si farsxan leh u soo gudbinayaa dagaalka ka hor xaalka magaalada Muqdisho sida uu ahaa iyo dagaalka kadib sida uu xaal isu badalay .

Dagaalkii mucaaradka iyo dawlada u dhaxeeyay sida uu isu badalay mid qabiileed kaas oo lagu hoobtay qodobkaan aad ayuu ugu faaloonaa qoraaga ilaa ay gaartay saraakiishii Dawlada iyo agaasimayaashii ay Iska siibaan sharkii qaranka ayna xirtaan shaar qabiil xirtaan .


Yuusuf marka uu ka waramayo dhacdo waxa uu Dib kuugu Cilinayaa taariikhda bal in aad fahanto dhacdadan taariikhdeeda, waxa uu sidoo kale ka taariikheynayaa sida kacaanka mabaadi'diisa dadka u barijiray waxa uu soo qaadanaa qoraaga mar asaga iyo macalimiin badan in ayagoo qaawan inta meel la isugu keenay la leeyahay baaritaan caafimaad ayaa la idin marsiinaa !!!

Yuusuf mar asagoo u socdo guriga saaxiibkiis Shaqawi oo ahaa u qeybsanaha militeriga Masar ee dalka soomaaliya ayuu sii maray ayadoo koox burcad ah ay dhac iyo kufsi isugu dareen shaqaalihii safaarada kuuriyada waqooyi!!

Buugaan waxaad ugu tagaysaa xogo badan oo aadan horey u haynin 

Soo koobaha: Abshir Mohamed Tifow

Comments

Popular posts from this blog

Maxaan ka baranay (Bulshada Muslimka ah) dagaalka Ukraine ee hadd Socda?

Fariin walaaltinimo