Posts

Showing posts from January, 2022

FAYIIGSIGA TIMAADDADA

Xilliga ah timaaddada waa wakhti ku soo haya oo socdaalka nolosha uu kugu riixayo. Sida taaganta maanta ah ay u tahay timaaddadii shaley, ayaa timaaddada kugu soo food-leh ay u noqoneysaa taagan aad xilligeeda dhex taagan-tahay. Aragtida gaaban ee aanan si sax ah loola fayiigsan hiraalka timaaddada waa mid bogsiinyaha lagaga baxo. Kuwa aanan aragti u lahayn timaaddada (qof ahaan iyo bulsho ahaan), iyagu waxay noqdaan kuwo ku qahran nolosha markaas ayay wakhtiga eedeeyaan. Noloshii bulshada Soomaaliyeed waxaa ka dhex muuqda darrow iyo fool-xumo badan, kuwaas oo loo maleynayo in Soomaalidu ay fool-xumidaas uba dhasheen. Waxaa ka dhex-muuqda dhallinyaradii Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) in dac-darri iyo dayac-xumi ay la dawarsanayaan caasimadaha dowladaha deriska ah. Waxaa ka dhex-muuqda dhallinyaradii Soomaaliyeed oo inta ay tahriibaan ay badaha ku dhintaan, inta badbaaddana xabsiyo la dhigo. Waxaa ka dhex-muuqda ragga iyo dumarka Soomaaliyeed ee sida arxan-darrida ah loogu leynayo koo...

"si aad u muujisid karamadaada, buurtaas yar kala jeex oo sii mar oo soo mar"

qarnigii 11aad ilaa 12aad miilaadiga waxaa dhulka soomaalida yimid culimo mutacalimiin oo diinta islaamka si fiican u yaqaanay oo ka mid ahaayeen sheekh yuusuf al-kownayn, sheekh fiqi cumar iyo sheekh isxaaq, si ay barashada qur'aanka u xoojiyaan maadaama dadka soomaaliyeed oo muslimiin ahaa aan ay si fiican u aqoonin luuqada carabiga ee quraanka ku qoron yaha sheekh yuusuf al-kownayn baa dadka soomaaliyeed ka caawiyay, oo u fududeeyay hingaadda iyo akhriska quraanka kariimka ah. sida taariikhyahano muslim ah laga maqlay sheekh yuusuf baa dhogor, 40km bari ka xigta hargaysa, ka furay dugsi quraankii ugu horeeyey soomaalida dhexdeeda. dadka wax'ay sheekha u yaqaanaan ama ugu yeedhaan aw barkhadleh, magacii tuuladdii dhogor na waxa loo bedelay aw barkhadleh, oo sheekhii ku aasan yahay. qabrigiisa na aad baa loo xurmeeyaa oo sannad walba soomaali badan baa booqata. waxaa jirta aad loo rumeysan yahay oo odhanaysa in uu jiray yuhuudi falalow ahaa oo la odhan jiray bucur bacayr oo dh...

Diinta Insaaniyadda iyo Ilaahaynta dadka!

Diinta Insaaniyaddu (Humanism) waa mid ka mid ah diimaha gacankurimiska ah ee aadanuhu samaysteen (الأديان الوضعية), ifafaalaheedii u horreeyay goorta uu soo bilowday muran badan baa ka jira, sababtuna way caddahay oo, fikir kasta marka uu samaysmayo inta uusan sal muggii ku gabangaabsan wuxuu soo maraa heerar kala duwan oo gadaal laga ogaado in ay fikirkaan saansaan u ahaayeen. Dhanka kale, sooyaalka erayga (Humanism) iyo macnaha ballaaran ee uu maanta xambaarsanyahay ayaa mid weliba si gaar ah looga taariikheeyaa, eraygu gaar buu u jiray, macaanida uu watana midba mar ayay bilaabatay, goorta labadooda la isku rarayna waa taariikh saddexaad. Dadka lagu tiriyo in ay yihiin aasaasayaasha macaanida Insaaniyadda waxaa ka mid ah Immanuel Kant (1724 – 1804), Eray ahaanna waxaa la sheegaa in Friedrich Niethammer uu yahay ninkii u horreeyay ee magacaas (Humanism) adeegsaday 1808-dii, inkasta oo uusan asagu markaas diin ahaan ula jeedin, ee uu ka rabay hab cusub oo waxbarasheed oo uu doonayay ...

Aragtida ogaalka

 Aragtida ogaalka [12] Diinta iyo caqliga.Aragtida ogaalka [12] Diinta iyo caqliga. Falsafadda iska horkeenidda diinta iyo caqliga, ayada oo ay la socoto indho liidni oo diinta lagu eegayo, iyo indho weyneyn oo caqliga lagu fiirinayo, waa falsafad galbeedka ka soo bilaabatay qarnigii 18-aad agagaarkiisa, casrigii ay u baxsadeen casriga “Caqliga” ama casriga nuurka “عصر التنوير”. Annaguna sidii caadiga ahayd waan soo qaadannay, sidatoo aan isku diin nahay! Haddaba maxaa ka khaldan doodaha sheegaya in diintu caqliga ka soo horjeeddo? Waxaa ka khaldan qodobbada soo socda: 1. Isku qabashada diimaha kala duwan: qodobkaan mulxiddiinta ayaa u badan, wuxuu si fudud u dhahayaa “Diimuhu caqliga ayay ka soo horjeedaan” Tusaalahana wuxuu ka keenayaa diinta Kirishtaanka!  2. Kalasoocis la’aanta “Waxa caqligu diido= محالات العقول” iyo “waxa uu ku dayoobo=محارات العقول” labadaasi waxa ay kala yihiin meel hore ayaan ku soo faahfaahinnay.  3. Isburinta iyo waddo qabsi la’aanta: waxaad ark...