Posts

Showing posts from March, 2023

SIDEE LEYSU BARAA JAHLIGA?

Aqoonta lagu barto hannaan walba ee waxbarasho waxaa lagu qaataa aqoon uu qofku intifaacsado. Ha ahaato aqoon farsamo ama aqoon aragtiyeed, ha ahaato aqoon dabiicad ama aqoon bilshadeed, mid ay tahayba aqoontu waxay kugu kordhisaa waaya-aragnimo loo kaashado nolosha. Laaakiin aqoonta ah in lays-baro jahliga waa waxbarasho soo jirtey muddo dheer oo leh culumo ku takhasusta, taas oo afka laatiinka lagu yiraahdo (Agnotology). Waa tallaal lagu beerayo ra’yi jaahilnimo baaxad wayn, kaas oo la doonayo in bulshada lagu yeesho saamayn lagaga danaysto iyada oo la marayo manhajka marin-habaabinta.  Haddii horey loo sheegey in aqoontu ay tahay awood, barashada jahliga waa awoodda lagu bur-buriyo awoodda aqoonta. Dadyowga dunida ku nool, tamarta kaga baxda in aadamigu wax bartaan oo ay aqoon ku adeegtaan, tamar ka xoog wayn ayaa kaga baxada in dadka lagu dhex faafiyo jahliga oo au aqoon-darri ku adeegtaan. Dadkaasi jahliga faafinaya waxay diiddan yihiin xaqiiqooyinka nolosha oo aqoonta lagu g...