Posts

Showing posts from September, 2022

25 sano oo tacliin iyo adeeg bulsho

 Iyada oo uu wadanku ku jiro dagaal, qabyaalad, qax, burbur, la na bililiqaystay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, wasaarradihii iyo dhammaan wixii adeeg bulsho ahaa. Xilliga aan ka hadlayana tahay shan iyo labaatan sano ka hor oo ku beegan 1997, waxay ahayd xilli ay yarayd cid rumaysanaysa ama ku fakeraysa in jaamacad Iska dhaafe aan xitaa lagu noolaan karin Soomaaliya. In ta badan dadkii waxbartay wadanka waa isaga baxayn oo waxaa wadanka sida u rogmay ku sii dhacay maskax-goror (brain drain). Waa yaraayeen dadkii wax bartay ee wadanka joogay sidoo kale waxaa yaraa aqoonyahannadii wadanka ka baxay ee rajo ka muujinayay in Soomaaliya waxbarashadayda la badbaadin karo.  Aqoonyahano uu ka mid yahay Dr Ali Sheekh ayaa aminsanaa in dib dhiddibada loogu aasi karo waxbarashada Soomaaliya waxa uu hayaankaas uu aaminsanaa kaga qayb qaatay in ay furaan isaga iyo aqoonyahano kale jaamacaddii ugu horeysay ka dib burbur iyo baas ku dhacay Soomaalida iyo Soomaaliyaba. Waxay ugu magacdar...