Posts

Showing posts from August, 2022

"Akhri adiga oo kaashanaya magaca Rabbigaaga wax abuuray”

 [اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ ] "Akhri adiga oo kaashanaya magaca Rabbigaaga wax abuuray”  Qof dunidan kor joogaa isma lahayn caawa waxa ballan leh cirka iyo dhulka. Qofna ma malaynayn god madow oo Maka ku dhex yaalla ayuu ka soo bixidoonaa iftiin ifin doona dunida oo idil. Dhulku wuxu u boholyoobay cirka; maxaa yeelay, Jibriil muddo ku siman shan boqol oo sannadood lama soo degin hanuunkii uu ka keeni jiray xagga sare. Dhulku wuxu sii iftiinsanayay hadhaagii kutubtii hore oo la leexiyay, dadka badankoodu waxa ay caabudayeen dhagaxaan la qoray, ilaahyada timirta ahna dib baa loo cunayay. Waxa la gaadhay ilbidhiqsigii uu Alle doonay in uu wax-ka-beddelo ku sameeyo dunidan. Shakhsi aan waxba qorin, waxna akhriyin ayuu ku soo degay amarkani “akhri.” Shakhsigan ayaa isku si wax u baraya aqoonyahanka iyo waxma garatada. Agoonkii hore u waayay labadiisii waalid ayaa aabbayaasha hagaya, nolosha hooyooyinkana hagaajinaya. Adhi jirkii shilimmada yar Qureysh adhiga ugu raaci ...