Posts

Showing posts from December, 2021
 Adiga oo aan wax safar ahi kugu jirin oo negi, ayaad xalay gurigaaga seexatay, subixii ayaad barqo kulul soo kacday, waxaad is aragtay adiga oo saaran bas aad u dheeraynaya, waad is taataabatay bal in ay wuxu riyo yihiin iyo inkale, mise wallaahi waa run, riyo warkeed ma jiro. Hareerahaaga ayaad fiirisay, dad aad u tiro badan ayaa baska kula saaran, caddaan, madow, eeshiyaan, nooc kasta ayay leeyihiin. Midba hawl gaar ah ayuu ku jiraa. Mid baa wax dhegeysaya, mid labaad baa wax akhrinaya, mid baa kuraasta u dhow dadka fadhiya la sheekaysanaya, mid baa kuwaas agtooda game ku ciyaaraya, mid baa iska hurdaya. Basku cabbaar markii uu socdaba wuu istaagayaa, dad baa lala degayaa, dadkaas lala degayo badankood raalli kama ahan dejintaas, dadka baska saaranna wax war ah kama keeni karaan dadkaas lala degayo, way ka murgayaan oo keliya, hadba mid kuu dhowaa ayaa lala baxayaa. Adigu waad wareersantahay, waxaad isweyddiinaysaa su’aalo ay ka mid yihiin “Baskaani muxuu yahay? Anigase yaa isoo...

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah:-

 Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun qaar ka mid ah:- 1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo". 2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa". 3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan". 4- " Dad baa dibadda ku qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yidhaahdo noqotid wax fiican ma aha".  5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqada ay sheegaayaan " ?  6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ". 7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhis...