Soo koobida buuga Kalahaadkii Muqdisho
 Buugan waxa uu ka hadlayaa xasuusihi sokeeye ee Soomaaliya 1991  Waxaa qoray Yuusuf Maxamed Xayd waxa uu soo noqday Agaasimiha Radio Muqdisho, Agaasimaha telefeshinka qaranka Soomaaliyeed, Agaasimaha qorsheynta iyo tababarrada ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliyeed, iyo xilal kale oo badan oo soo qabtay qoraaga  Buugan waxa kawdii hore uu ku qoray afka Ingiriisiga waxaa tarjumay Boodhari Warsame  Qoraaga waxa uu si farsxan leh u soo gudbinayaa dagaalka ka hor xaalka magaalada Muqdisho sida uu ahaa iyo dagaalka kadib sida uu xaal isu badalay . Dagaalkii mucaaradka iyo dawlada u dhaxeeyay sida uu isu badalay mid qabiileed kaas oo lagu hoobtay qodobkaan aad ayuu ugu faaloonaa qoraaga ilaa ay gaartay saraakiishii Dawlada iyo agaasimayaashii ay Iska siibaan sharkii qaranka ayna xirtaan shaar qabiil xirtaan . Yuusuf marka uu ka waramayo dhacdo waxa uu Dib kuugu Cilinayaa taariikhda bal in aad fahanto dhacdadan taariikhdeeda, waxa uu sidoo kale ka taariikheynayaa sida kaca...