Posts

Showing posts from November, 2022

Xiriirka ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka.

Muddo fog oo aan yarayn ayaan ku fooganaa weyddiinta ah xiriir noocee ah ayaa ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka. Sida labada erey ka muuqato ereyga 'Horumar' waxa uu tilmaamayaa qof ama bulsho meel taagnayd ka dibna ka aag bedelatay ama isbedel ku samaysay oo tilaab togan hore u qaaday. Halka ereyga 'Dhaqan' uu muujinayo caado ay bulshaddu leedahay oo mararka qaar noqon kara ab'ogaa.  Erayga dhaqan luuqadda ingiriisiga waxa uu ku noqonayaa 'culture' asalka eraygani waxa uu ka soo jeedaa eray laatiini ah, oo la dhaho "colore", eraygaas oo macnihiisu yahay 'beerid." Beerta marka laga waramayo waxa ay martaa maraaxil kala duwan, midaas oo kale ayuu dhaqankuna maraa maraaxil lamida midda beerta. Dhaqanku waa abuurmaa, koraa, cudud iyo awoodna yeeshaa, ka dibna abaadaa oo hagaasamaa sida uu sheegay Mufakirkii weynaa ee Maalik Ibnu Nabi.  Dhaqanku waxa uu leeyahay wax yaabo uu ka askumo ama uu ka abuurmo, waxaana la xusaa inay jiraan labo arrim...